Xukuumadda oo Gacanta ku dhigtay 22 Kalluumayste Shisheeye Ah oo Sharci Darro Uga Kalluumaysanayay Xeebta Karin

0
1

Berbera(Hubaal)- Ciidanka ilaaladda xeebaha Somaliland ayaa gacanta ku dhigay 22 kalluumayste oo u dhashay waddanka Yeman, kuwaasi oo sifo sharci darro ah uga kalluumaysanayey xeebta Karin ee bariga Saaxil.

 

Sidaasna waxa shaaca ka qaaday Taliyaha ciidanka ilaaladda xeebaha ee magaalada Berbera, Haaruun Siciid Cali, waxaanu tilmaamay in ciidankiisu ay xalay ku baxeen kalluumaysatadaas, waxaanu xusay inay sidoo kale soo qabteen laba laash oo ay ku kalluumaysanayeen.

 

Taliye Haaruun wuxuu intaas ku daray in 22 kalluumayste marka baadhistooda la dhammeeyo la horgeyn doono maxkamad.

 

“Waxaanu uga digaynaa kalluumaysatada shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumaysanaya xeebaha Somaliland aanu tallaabo ka qaadi doono, isla markaana sharciga horgeyn doono cid kasta oo ku soo xadgudubta xeebta dheer ee Somaliland,”ayuu yidhi Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Berbera.

 

Sidoo kale masuuliyiin ka socday maamulka gobolka Saaxil iyo wasaaradda xannaanada xoolaha iyo kalluumaysiga ayaa ciidammada Ilaalada xeebaha ku bogaadiyey hawlgalkaas ay  fuliyeen ee lagu ilaalinayo xeebaha dalka.

SHARE
Article horeNuxurka Kulan Dhex Maray Wasiirrada Arrimaha Dibada Ee Djabouti Iyo Somaliland
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here