HUBAALMEDIA.COM
Xukuumadda Oo Hanjabaad Culus U Dirtay Weriyayaasha Xiisaha Xamar Madax-Maray
February 17, 2017 - Written by Mustafe Faro

“Haddii aad Xamar tagto oo aad qaddiyada Somaliland ka olalaynayso wallaahi inaanu odayna kusoo daynayn, caaqilkaaguna kusoo daynayn….”Wasiir Caddaani

cadaani

Hargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa farriin adag u dirtay wariyeyaasha iyo siyaasiyiinta iskaga dab qaadaya Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo safarro aan kala joogsi lahayn ku tegaya magaalada Xamar, isla-markaana qaarkood dhawaan Hargeysa lagu xidhay.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani oo arrintan ka hadlay, ayaa si cad u sheegay inay sharciga marin doonaan cidkasta oo ku dhiirrata inay Xamar tagto, isla markaana ku dhiirrata inay ka olalaysa qaddiyadda Somaliland, waxana uu yidhi, “Haddii uu Suldaan yahay iyo haddii uu weriye yahayba ka yeeli mayno inuu ka olaleeyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, dalkanina shuruuc buu leeyahay oo aanu boodhka ka     tumaynaa oo aanu ku qaadaynaa, haddii aad Xamar tagto oo aad qaddiyada Somaliland ka olalaynayso wallaahi inaanu odayna kusoo daynayn, caaqilkaaguna kusoo daynayn.”

Waxa uu ka sheekeeyey qiimaha ay qaranimada Somaliland ku fadhido iyo sida tacabka badan loo geliyey, isaga oo xusay inaanay xukuumad ahaan ogolaan Karin in shakhsiyaad kooban dhaawacaan qaddiyada Somaliland, “Jamhuuriyadda Somaliland umadeeda iyo shicibkeedu go’aan bay gaadheen, go’aankiisana mid shakhsi ku salaysan ma aha oo waxa ay go’aansadeen inay noqdaan dal madax bannaan oo gooni  isu taagaan oo ay ka xoroobaan Xamar, arrintaasna waxa ku shahiiday boqolaal kun oo qof, wixii ay hanti lahaayeenna haddii ay miyi tahay iyo haddii ay magaalo tahayba way ku burburtay”ayuu yidhi wasiir Caddaani.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii ay xukuumaddu xabsiga dhigtay wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo ku maqnaa magaalada Xamar, isla markaana goobo fagaare ah ka muujiyey inaanu aaminsanayn qaddiyadda Somaliland, taas oo keentay in aakhirkii xabsiga la dhigo.

Dabley Hubaysan Oo Weerar Ka Geysatey Gudaha Magaalada Ceel-afweyn

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews