Xukuumadda oo Jawaab Adag Ka Bixisay Hadallo Mucaaradku Ku Siyaasadeeyey Dacwad Wasaaradda Warfaafintu Ka gudbisay Telefishanno Madax-bannaan

0
1

“Ma Jirto Wax Cabudhin Ah oo Wasaaradda Warfaafintu Ku Hagaasinayso Saxaafadda Madaxa-bannaan oo Aannu U Aragno Tiir Jiritaankiisu Muhiim U Yahay Dimuqraadiyadda & Dowladnimada Somaliland” War-saxaafadeed

Hargeysa(Hubaal)- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka  iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeedhay xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID oo siyaasadeeyey eedaha loo soo jeediyey Telefishannada SAAB TV iyo STAR TV, oo ku eedaysan inay faafiyeen war xadgudub ku ah qaranimada JSL.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ay baahisay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, oo uu ku saxeexnaa La-taliyaha Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi), ayaa u dhignaa sidan:-

“Ma Jirto wax cabudhin ah oo Wasaaradda Warfaafintu ku hagaasinayso Saxaafadda Madaxa-bannaan ee Somaliland oo aannu u aragno tiir jiritaankiisu muhiim u yahay dimuqraadiyadda iyo dowladnimada Somaliland, hase ahaatee waxa looga fadhiyaa warbaahinta inay dabbaqdo xeerarka iyo shuruucda dalka isla markaana ka dhawrsato  wixii dhaawacaya qaranimada JSL.

Sida uu dhigayo xeerka Saxaafadda  Somaliland, Xeer NO. 27/2004, waxa warbaahinta xaaraan ka ah in ay  baahiso warar ku lug leh arrimaha ciidammada iyo sidoo kale kuwa been abuurka ah, sidaas awgeed, waxa wasaaraddu soo saartay   30/9/2018 qoraal warbaahinta looga digay baahinta  wararka lafjabka ku ah  qaranimada JSL, iyadoo aannu ku ammaanayno in Saxaafadda  inteeda badani  xushmeeyeen qaraarkii wasaaradda.

Labada Telefishan ee SAAB  TV  iyo STAR TV, waxay si anshaxa  saxaafadda ka baxsan u buunbuuniyeen  kooxda Caarre, waxaanay si jar iska xoornimo ah u dhex galeen arrimaha ciidammada qaranka oo ay ka faafiyeen war aan sal iyo raadtoona lahayn  oo  hiil u ah cadowga Somaliland.

Sidaas awgeed, waxay Wasaaradda Warfaafintu dacwad u gudbisay xeer ilaalinta guud ee qaranka si ay waajibkooda uga qabsataan xadgudubka ay sameeyeen labadaas Telefishan, waana mid ay xaq u leeyihiin inay iska difaacaan sharciga horitiisa.

Haddaba, waxa la yaable xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID, oo  siyaasadeynaya  eedaha  lagu soo oogay labada Telefishan ee Saab Tv iyo Star TV, waxaana  xisbiyada mucaaridka ah looga baahan yahay inay xurmeeyaan wadajirka iyo dowladnimada Somaliland oo aannu hiilkoodu noqon mid u muuqanaya inay taageerayaan Somaliland-diidka  mangansaday cadowga Somaliland.”

SHARE
Article horeIsmaandhaaf Xooggan oo ka taagan meherado Wasaarada Waxbarashaddu la wareegtay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here