Xukuumadda Oo Qalbi Furan Ku Qaabishay In Ka Badan Laba Boqol Oo Askari Oo Kasoo Goostay Maamul-goboleedka Puntland

0
1

Wasiirka Hawlaha Guud Oo Deegaanka Carro-weyn Kusoo dhaweeyey 230 Askari oo ka soo Goostay Puntland

Laascaanood(Hubaal )-Wasiirka hawlaha guud,dhulka iyo gureyeynta Md Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa deegaanka Carro-wayn gobolka Buuhoodle  ku soo dhaweeyey laba boqol iyo soddon askari oo ka soo goostay maamul goboleedka Somalia ee Puntland. ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Gaashaanle sare  Abokor Sulub Axmed, Taliyaha ciidanka Somaliland ee fadhiisin koodu yahay aaga gobolka Buuhoodle waxaanu sheegay in ciidankani yihiin kuwo ka soo goostay maamulka Puntland oo u badan ciidan beeleed kuwaasi oo ku soo biiray ciidanka Qaranka Somaliland. Dhankiisana Jaamac Cabdicasiis Axmed oo ah hoggaamiyaha ciidankan soo goostay ayaa sheegay inay yimaadeen dalkoodii isla markaan rabaan inay qayb ka noqdaan ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland kana shaqayn doonaan nabadgalyada iyo difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,Isagoo xukuumadda ka dalbaday in la qarameeyo. Ugu dambayn wasiirka hawlaha guud,dhulka iyo guriyeynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa sheegay in ciidankan la qaramayn doono isla markaan wixii ay xaq qaranka ugu leeyihiin la siin doono,waxaanu sheegay in ciidankan la sinaan doonaan ciidamada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiir Qambi waxa uu fariin u diray ciidamada dhigooda ah ee wali haysta fikirka qaldan inay yimaadaan dhulkooda iyo qarankooda Jamhuuriyadda Somaliland.

SHARE
Article horeHoggaamiyaha Mucaaridka Kenya Oo Summad U Noqday Cudud Xoogan Oo Taageeraya Madax-bannaanida Somaliland
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here