Xukuumadda Oo Shaqo-ka-joojin Ku Samaysay Hay’addo Laga Leeyahay Soomaaliya Oo Mashaariic Qarsoodi Ah Ka Waday Somaliland

0
54

Liiska Magacyada Hay’adaha Shaqada Laga Joojiyey+ Wargelin Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka Loo Diray+Sababta

Wasaaradda  Horumarinta Beeraha Somaliland Oo Shaacisay In gebi ahaanba shaqadii ay ka wadeen deegaamo ka mid ah Somaliland laga joojiyay Sagaal NGO Oo Mashaariic yaryar Fulinayay

Hargeysa (Hubaal)-Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, ayaa  Shaqada ka joojisay Sagaal ka mid ah Hay’addaha laga leeeyahay Soomaaliya oo Mashaariic yar yar si qarsoodi ah uga fulinayay deegaamo kooban oo ka mid ah gobolada dalka Somaliland. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda  Horumarinta Beeraha Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), ayaa   Arraweelo News Network  oo aanu warkan kasoo xiganay u xaqiijiyey in gebi ahaanba shaqadii ay ka wadeen deegaamo ka mid ah Somaliland laga joojiyay Sagaal NGOs, kuwaas oo aanay Wasaaradda Beeruhu waxba kala socon mashaariiicda ay ka wadaan deegaamada ay ka shaqeeyaan oo si qarsoodi ah ay uga fulinayeen Mashaariic yar yar, wuxuuna  tallaabadaa ku sheegay mid qayb ka ah meel marinta qorshihii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee xukuumadda cusub. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa go’ aanka shaqa joojinta ee Hay’addahaa u gudbiyay Hay’addaha ay khusayso, kadib markii sida lagu sheegay nuqul ka mid ah Qoraalka qiimayn lagu sameeyay mashaariicda ay fuliyaan Hay’addahaa oo lagu ogaaday in hawlaha mashaariicda ay ka wadaan deegaamadaa aanay ahayn kuwo ay ku qanceen Wasaarad ahaan, Isla markaana ay cadaatay markii baadhitaan Iyo qiimaynta lagu sameeyay  ay yihiin dhammaan hay’addaha shaqada laga joojiyay kuwo aan dawali ahayn oo laga leeyahay Soomaaliya. Waxayna Wasaaraddu artntaa ku war gelisay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Iyo Xeer Ilaalinta Qaranka Iyo Hay’addaha siiya mashaariica ee wada shaqaynta la leh, iyadoo Wasaaradda Beeraha Somaliland ka duulaysa qorshaha xukuumadda cusub ee qiimaynta Hay’addaha dalka ee wada shaqaynta la leh Iyo mashaariicda ay dalka ka fuliyaan.

Magacyada NGOs laga joojiyay shaqada ayaa kala ah. ADA, APD. juba Foundtion. RAADO, SOLO, SORRIO, SRDA, ARD, HOD. Dhinca kale, NGOs, laga joojiyay, ayaa ka hawlgala deegaamo gaar ah oo ka tirsan gobolada Awdal, Sanaag, Sool, Tigdheer, Saaxil, Maroodi-jeex, waxayna ka fuliyaan meelo kooban oo ka mid deegaamadaa Mashaariic kooban, kuwaas oo loo arkay in ay khatar ku yihiin nabadgelyada Iyo jiritaanka Qaranimada Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here