HUBAALMEDIA.COM
Xukuumadda Oo Wargeyska Financial Times U Sheegtay In Dib-U-Dhicii Doorashada Ee Abaartu Sababtay Ay Xumaysay Mustawihii Ay Ku Lahayd Caalamka
July 3, 2017 - Written by Mustafe Faro

“Maareynta Tawstii Ka Dhalatay Abaaruhu Waxay Saameeyeen Siyaasaddii Somaliland, Waxaanay Dhalisay   In….”

doorashooyinka-somaliland

Hargaysa (Hubaal):- Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa si qotodheer uga war-bixiyay dhibaatooyinka Somaliland ka haysta aqoonsi la’aanta, taasi oo hortaagan in maalgashadeyaasha shisheeye ku soo dhiiradaan dalka. Wasiirku waxa kaloo uu caddeeyay in dib-u-dhigistii doorashada madaxtooyada ee abaartii dalka ka dhacday keentay sannadkan, ay xumaysay mustawihii siyaasadeed ee Somaliland ku lahayd caalamka, sidaasna waxa uu ku sheegay  qoraal dheer oo uu ku qoray Wargeyska Financial Times. “Xaaladda Somaliland waxba kalama  socdaan bulshada caalamka ee maalgashadeyaasha ahi. Waxaa inta badan lagu wareeraa  dalka dagaalku hadheeyay ee jaarkayaga ah ee Soomaaliya oo aannu iclaaminay inaynu kala soo noqonay madax-bannaanidayadii  26 sannadood ka hor, sannadkii 1991-kii oo ay burburtay dawladdii macangaga ahayd ee Siyaad Barre,”ayuu Wasiir Sacad ku sheegay qoraalkiisa, waxaannu intaas ku daray; “Si ka duwan Soomaaliya, Somaliland waa mid nabdoon oo dimuqraadi ah, waxaannu leenahay dawladnimo si buuxda u shaqeynaysa oo ku dhisan nidaamka madaxtooyada. Waxaannu qabsanay doorashooyin joogto ah oo xor iyo xalaal u dhacay, waxaannu leenahay lacag noo gaar ah. Waxa kaloo aannu samaysanay  hay’adihii sharciga ahaa ee dastuurku jideeyay.” Wasiirku wuxuu sheegay in bulshada Somaliland boqolkiiba toddobaatan ay yihiin dhallinyaro, waxaannu yidhi; “Somaliland  mujtamaceedu  waa dhallinyaro  70% (Boqolkiiba Toddobaatan), kuwaasi da’doodu ka hooseyso 30 jir oo aqoon leh. Waxaa Somaliland leedahay  in ka badan soddon koolaj iyo jaamacadood oo iskugu jira kuwo dawladeed iyo qaar gaar loo leeyahayba.  Waxaanay jaamacadahaasi soo saareen kumanaan qof oo aflaxay oo shaqeyn kara.” Wasiirku waxa uu xusay in heshiiskii lagu casriyaynayo marsadda Berbera ee ay ku baxayso $442m oo doolar, ee ay la galeen shirkadda laga leeyahay Imaaraadka carabta ee DP World, uu noqonayo maalgashigii ugu weynaa ee taariikhda Somaliland hesho. Waxaannu tilmaamay in ballaadhinta dekeddu ka dhigi doonto Berbera xuddunta ganacsi ee mandaqada Geeska Afrika. Waxa kaloo uu caddeeyay inay khayraadka Somaliland leedahay door weyn  ka qaadan doono inay soo jiidato maalgashadeyaasha shisheeyaha. Dr. Sacad waxa uu sharraxay caqabadaha Somaliland ka haysta ictiraaf la’aanta, waxaannu yidhi; “Waxay Somaliland haysta dhibaatooyin aan la koobi  karin oo ka soo gaadhay aqoonsi la’aanta, kuma lihin wax kuraas ah qarramada midoobay iyo ururka midowga Afrika midna.sidaas darteed lama macaamili karno Hay’adaha caalamiga ah sida  baanka adduunka iyo IMF-ta taasina waxay saamayn   weyn ku yeelatay  awoodayadii aanu wax kaga qaban lahayn  masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dhaqaalahaba. Baanka dhexe ee Somaliland ma awoodo inuu qabto hawlihii caalamiga ahaa ee bangiyadu qabtaan.” “Maareynta tawstii ka dhalatay abaaruhu waxay saameeyeen siyaasaddii Somaliland, waxaanay dhalisay   in doorashadii madaxtooyada ee sannadkan dhici lahayd bishii March  in  dib loogu riixay Bisha November ee daboyaaqada 2017-ka.  Dib-u-dhigistii doorashada, waxa soo jeediyay  xisbiyada mucaaradka ah iyo muwaadiniinta reer Somaliland, gaar ahaan gobollada bari oo bulshadii ku dhaqnayd  intoodii badnayd  ay ku laxaadsatay abaartu. Abaartu  waxay wiiqday  mustawahayagii  caalamiga ahaa,”ayuu Wasiirka Khaarajigu ku yidhi maqaalka uu ku qoray wargeyska Financial Times.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews