Xukuumadda Somaliland oo Gacan ka Geysatay Tahriibeyaal Itoobiyaan ah oo Dirqi Lagu Samato-bixiyey

0
1

Hargeysa(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland  iyo  Xafiiska  Hay’adda IOM ee muhaajiriinta u qaabilsan Qarammada Midoobay ku leedahay Hargeysa,   ayaa wadajir u taageeray  tahriibeyaal   Itoobiyaan ah  oo muddo lix maalmood ah ku jiray badda, kadib markii dooni ay wateen oo ay ugu safrayeen  Sucuudigu ka ciladowday, kuwaasi oo lagu celiyey waddankoodii.

Tahriibeyaasha  Itoobiyaanka ah oo tiradooda ahayd 63 qof ayaa la keenay  magaalada Hargeysa , halkaasi oo ay ka heleen hoy, cunto iyo  tallooyin ay siisay Ha’yadda IOM.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu baahiyey Jimcihii shalay  Wargeyska  Addis Standard oo ka soo baxa Itoobiya, waxaana lagu sheegay in tahariibeyaasha Itoobiyaanka ahi ay bishii July ee sannadkan  ka  kicitimeen  Jabuuti iyagoo u sii jeeday  dalalka  Sucuudiga iyo Yeman.

Warku wuxuu intaas ku daray  in laba qof oo ka mid ah  tahriibeyaashaasi  Itoobiyaanka ahi ay gaajo iyo haraad ugu dhinteen badda, kadib markay  ka go’ay sahaydii ay siteen.

muhaajiriintan waxa   soo badbaadiyey markab ganacsi oo gacan ka helay maamulka gobolka Saaxil,  ciidanka ilaalada xeebaha iyo Ha’yadda qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland.

Samhar oo ah  22 jir ah ayaa waxyar ka hor intii aan  dib loogu celin Itoobiya sheegtay inay cashar  adag ka baratay  halistii soo wajahday  muddadii ay badda ku jireen, waxaanay tilmaantay  inay  iyada iyo qoyskeeduba ku faraxsan yihiin inay dib isku arkaan.

By:Cumar Maxamed Faarax

SHARE
Article horeGolaha Wakiilladu Ma KORODHSIIMADII Shanaad Ayey Isu Diyarinayaan?
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here