Xukuumadda Somaliland Oo Isu-diyaarisay Inay Qaabisho Sarkaal Kasoo Goostay Kooxda CAARRE Oo La Filayo Inuu Maanta Isu Soo Dhiibo

0
1

Waxa uu Hore U Ahaa Abaanduulihii saldhiga 3aad ee ciidammada Qaranka

Sarkaalkani waxa uu Wataa Ciidamo Iyo Baabuur Hore Ceerigaabo Looga Af-duubay ayaa Xalay U Hoyday Meel 40Km Ceerigaabo Ka Xigta Bari

Ceerigaabo (Hubaal) – Abaan-duulihii Saldhiga Saddexaad ee ciidanka qaranka Somaliland Gaashaanle dhexe Gamaal Maxamed Baaxad oo uu qorshuhu ahaa in shalay  lagu soo dhaweeyo Magaaladda Ceergaabo ayaa dib u dhacay. Gaashaanle Dhexe Gamaal Maxamed Baaxad ayaa lagu soo waramayaa in uu ka soo goostay kooxdii uu hogaaminayay Kornayl Caare, waxaana uu  hadda ku sugan yahay meel dhinaca bari kaga beegan Ceergaabo una jirta qiyaastii 40km. Warku waxa uu intaasi ku darayaa ciidamadan uu hogaaminayo Gaashaanle Gamaal eek u sugan duleedak Ceergaabo in ay sidoo kale wataan baabuurkii Gargaarka Degdega ah ee ay hore uga afduubteen Magaaladda Ceergaabo, kaas oo ay ciidamadani soo kaxaysteen.  Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) ayaa   warbaahinta u sheegay in ay maanta oo khamiis ah ay filayaan in ay magaallada Ceerigaabo ku qaabilaan sarkaalkan iyo ciidammada uu wato oo ay  soo dhaweyn doonaan.

SHARE
Article horeMashaariic Qeyb Ka Ah Ololaha Lagu Xoojinayo Amniga Iyo kala Dembeynta Oo Laga Hirgeliyey Magaallada Laascaanood
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here