Xukuumadda Somaliland Oo Joojisay Daraasad Ay Hay’ad Ajaanib Ah Dalka Ka Fulinaysay

0
1

Hargeysa (Hubaal) Agaasimaha Xafiiska Barakacayaasha iyo qaxoontiga Qaranka Cabdikariin Xinnif ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta ay shaqada uga joojiyeen hay’ad ajaanib ah oo doonaysay inay darasaad ka samayso xeryo barokacayaal oo ku taalla Somaliland. Mr. Xinnif Waxa uu sheegay in ay hay’adaasi sifo khaldan ku waday howsheeda, kuna qanci waayeen.

“Hay’adda VOA oo wasaarad ahaan aanan xidhiidh lahayn, ayaa waxay ii keeneen Invitation ay yidhaahdeen, hay’ad la yidhaahdo IKRAF baanu u fududaynaynaa hawl ay doonayso inay daraasad ka samayso Somaliland, dabadeed martiqaadka (Invitation) la ii keenay uun baan ku qanci waayay sida uu u qoran yahay. Invitation-ka waxa ku qoran, daraasada waxa laga samaynayaa, waddamada Itoobiya, Kiiniya, Soomaaliya, South Sudan iyo Uganda. Meel Somaliland ay kaga jirto kumaan arag, markaa waxan u fahmay uun Somaliland inay soomaaliya ku dhex jirto. Warqada lafteedu waxay sii sheegaysaa Somalia iyo Somaliland waxa daraasada aanu samaynayno ka dooranay saddex kaam oo barakacayaal ah, Kabaasa oo Gedo iyo Doollow ku taalla, Shimbiraale oo Qardho ku taalla.

Ilaa imika anigu xataa waxaanan fahamsanayn ma Shimbiraalihii Sanaag bay Qardho iyagu raaciyeen mise waa shimbiraale kale, iyo waxa kale oo ay soo qoreen meesha Ex-mandheera iyagu ula baxeen, dee innagu Mandheera uun baynu naqaan, runtii markaan arkay anigu shakhsiyan waan ku qanci waayay. Khaladka kale ee aan ku arkay qoraalkooda waxa uu ahaa, Gobollada Waqooyi-galbeed, waa mashruuca ay Somalia kasoo qaataan baa gobolka Maroodi-jeex u yaqaana waqooyi-galbeed, waa ta kale, mandheera kama tirsana Maroodi-jeex, ee wuxuu ka tirsan yahay gobolka Saaxil, iyagana waxa ka muuqatay gebiga inaanay Saaxil gobolnimo ula macaamilin, ay degmo ka tirsan waa siday iyagu u yaqaanaan Gobolka waqooyi-galbeed. Waa khaladka kale een ku arkaye, saddex Kaam baanu Somaliland iyo Somalia ka dooranay, waxa Somalia iyo Somaliland israaciyay baan anigu garan waayay, halkan jamhuuriyadda Somaliland baa la yidhaahdaa hay’adahana sidaas ayaanu kuwada macaamilnaa.” Ayuu yidhi Agaasimaha Xafiiska Barakacayaasha iyo qaxoontiga Qaranka Cabdikariin Xinnif oo shalay Bulsho Tv u waramay

SHARE
Article horeMadaxweyne Ducaysan Iyo Mucaarid Falaagoobay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here