HUBAALMEDIA.COM
Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dad Ku Waxyeelloobay Roobab Ka Da’ay Gobolka Togdheer
May 24, 2017 - Written by Mustafe Faro

cadaaniHargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Roob dabaylo, danab iyo duufaanno xooggan watay oo habeen hore ka da’ay magaalada Burco iyo deegaano hoos yimaada isla markaana sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Tirada dadka khasaaraha roobkaasi gaystay ku dhintay ayaa waxa lagu sheegay inay yihiin Afar qof,kuwaas oo qaarkood uu kusoo dumay gidaarka Garoonka kubadda Cagta ee magaalada Burco.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland ahna afhayeenka xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani ayaa tacsi u direy eheladii dadkaasi ay ka geeriyoodeen,isaga oo sidoo kalena sheegay in fariin tacsi ah uu uga sido madaxwayne Siilaanyo.

Wasiir Cadaani ayaa sidoo kale waxa uu fariin baaq ah u direy shacab waynaha reer Somaliland ee ku nool gobolada iyo degmoyinka Somaliland, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxwaynaha Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa Afar muwaadin oo habeen hore roobabkii ka da’ay gobolka Togdheer Burco ku geeriyooday oo uu Alle uga barayayo inuu naxariistii janno ka siiyo eheladoodii,qaraabadoodii iyo umadda Jamhuuriyada Somaliland-na Samir iyo imaan kasiiyo,waxa kale oo uu madaxwayne Caafimaad alle uga baryayaa saddex muwaadin oo kale oo iyaga dhaawacyo kasoo gaadheen roobabkaasi ka da’ay gobolka Togdheer,Nimco waliba nusqaan leh,waxa kale uu madaxwaynuhu umadda Jamhuuriyada Somaliland u sheegayaa madaama oo wakhti roobaadkii ay tahay oo alle uga mahad naqayno in umadda Somaliland meel kaste oo ay joogaan  inay Feejignaadaan oo markay Daad xoogan ama Roob fara badan ay arkaan ka feejignaadan oo naftooda ay daryeelaan oo deg deg kaste oo ay qabaan iyo meel kaste oo ay ku dagdagayaan uu waajib ka saaran yahay inay nafahooda ilaaliyaan”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Caddaani.

Gabogabadiina dhawaaqan kasoo yeedhay xukuumadda Somaliland ayaa kusoo beegmaya xilli uu habeennadan magaalada Burco iyo nawaaxigeeda uu ka da’ay roob dabaylo wata oo sababay khasaare nafeed iyo mid maalba,waxaana mararkan oo kale oo roobabku curtaan ay sababaan khasaare kala duwan.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews