Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Isku Day Ay Puntland Ku Hubaynayso Malleeshiyo Maamulkeeda Taabacsan Oo Weerar Kusoo Qaada Tukaraq

0
1

Weftigii Wasiir Qambi ee Safarka Ku Marayay deegaannada Gobolka Buuhoodle oo Socdaal Ku Tegey Degmada Widhwidh+ Mawqifkiia Ku Wajahan Abaabul Dagaal Oo Puntland Ku Hubaysay Maleeshiyo-beeleed Laga Siiyey Buuhoodle Kuwaas Oo La Geeyay   Tuke-raq

“Hadal La Yidhi Wax-Waxtaraya Ma Aha, Waxaan Idin Odhan Lahaa Nin Mikrafoon Ka Caytamay Dad Uun Buu Isku Diraa”

“Maanta reer Buuhoodle uma baahna in tolaayeey lagu hawl geliyo, waxay taas ku ogaan karaan wixii Kalshaale ka dhacay,  cidii maanta doonaysa in ay ciidamo soo gurto, markaaba may jirin, maanta-na sabab  ay u jirtaa ma jirto”

Garoowe (Hubaal) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa ka dhego-adaygay baaq nabadeed oo kazoo baxay Beesha Caalamka iyo Waxgaradka Ummadda Soomaalida kaasi oo ah in la joojiyo Dagaalka u dhexeeya Dawladda Somaliland iyo Maamulka Puntland, waxayna Ciidamo dheeraad ah soo dhoobeen Jiidda Degmada Tuke-raq ee Gobolka Sool oo ay fadhiisimo ku leeyihiin Ciidammada Qaranka Somaliland. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cumar Camay ayaa Ciidamo beeshiisa deggan Buuhoodle ku caawiyeen iyo kuwo kale oo laga soo ururiyey deegaannada Puntland shalay geeyay Jiidda Tukeraq, si ay ugu biiraan Maleeshiyaadkii hore halkaa ugu joogay Puntland, waxaanu sheegay in Ciidammadani xoreynayaan Dhul uu sheegay in Somaliland ka haysato, wallow dhulka uu sheegayaa yahay Dhulka Somaliland. “Sidaynu hore ugu wada-hadalnay waxaad tihiin ciidamo Puntland ah, awaamiirtii Ciidannimo ee halkaa ku joogteen (Buuhoodle) ayuun baad halkanna la imanaysaan, iisha Allaahu khayrna way noqonaysaa..” ayuu yidhi, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo la hadlayey Maleeshiyaad beeshiisa ah oo laga soo ururiyey deegaannada Buuhoodle, kuwaasi oo   gaadhay Garoowe, isla markiiba loo diray Jiidda Tuke-raq, iyaga oo ay wehelinayeen Ciidamo kale oo laga soo ururiyey deegaannada Puntland, si ay ugu biiraan Ciidammadii hore Puntland uga joogay duleedka Tuke-raq ee ay difaaca kaga jiraan Ciidammada Milletariga Somaliland.

Madaxda Puntland ayaa aaminsan in Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ka mid yihiin dhulka Puntland, maaddaama oo Dadka deggan ay u badan yihiin dad ay isku hayb yihiin kuwa Puntland, balse Caalami ahaan Dhulkaasi waxa uu ka mid yahay Dhulka Somaliland.

Geesta kale xukuumadda Somaliland ayaa isku daygaas puntland ku doonayso inay ku hubayso malleeshiyo beelleedka Puntland si ay uga barbar dagaallamaan Ciidammadeeda weerarka ku soo qaaday fadhiisimada ciidammada milatariga Somaliland ku leeyihiin jiida Tukaraq ee ay xuduudka Ku Difaacayaan ayaa ku tilmaantay nasiib darro arrintaas iyada oo reer Buuhoodle ugu baaqday inay ku cibro qaadato wixii hore deegaankaas uga dhacay.

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo  guriyaynta jamhuuriyadda Somaliland C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi, oo waqti xaadirkan socdaal shaqo ku jooga gobolka Buuhoodle ayaa mar uu  la hadlay reer Buuhoodle waxa uu ku eedeeyay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland in ay colaad dhiig ku daato ka hurinayaan degaanka Buuhoodle. Waxaanu sheegay in Puntland ay doonayso in ay bulshadda reer Buuhoodle doonayaan in ay qaab qabiil ku dagaal geliyaan, isagoo reer Buuhoodle-na ugu baaqay in ay ilaashadaan nabadgelyadda iyo wanaaga ay haystaan. “Maanta reer Buuhoodle uma baahna in tolaayeey lagu hawl geliyo, oo nabadgeliyadoodda lagu waxyeeleeyo wax wanaagsan ma aha. Reer Buuhoodle-na waxay taa ku ogaan karaan wixii Kalshaale ka dhacay, cidii maanta doonaysa in ay ciidamo soo gurto, markaaba may jirin, maanta-na sabab  ay u jirtaa ma jirto. Reer Buuhoodle waxaan odhan lahaa nabadgelyadda aad haysataan iyo wanaaga aad haysataan, mid aad deris ku haysataan, mid aad sokeeye ku haysataan iyo mid aad shisheeye ku haysataan-ba, waxaa wanaagsan  in aad ku faro adaygtaan”. Geesta kale wasiirka hawlaha guud ee Somaliland waxa uu fariin u diray maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo uu ku eedeeyay in ay dagaal ka hurinayaan degaamadaasi, isla markaana wakhtigiisa oo sii dhamaanaya darteed ay muddo korodhsi ka  raadinayaan colaadda ay wadaan. Waxaanu yidhi “Waxa kaloo aan u sheegayaa maamulka Punt land oo xaqiiq ah, in imika xukunkiisu uu sii dhamaanayaa, in ay dagaal iyo dadka dhiigiisa bilaabaan, si wakhtiga loogu kordhiyo, taasina wax-wax tar ah ma aha. Wax deris-nimo ah ma aha, wax-waxtarayana ma aha, taana waxaan odhan lahaa Puntland hadal Maykarafoon laga yidhi wax-waxtaraya ma aha,   oo nin Mikrafoon ka caytamay waxba ma taro  iyo in uu dad isku diro”. “Waxaan odhan lahaa maamulka Puntland dagaal waxba ma tarayo. Somaliland  dagaal ma waddo, oo  cid ay dagaal ku qaadayso, oo ay bilaabaysaa  ma jiro. Idinkana (Puntland) waxaan idin odhan lahaa, inta wakhtigiina xukunku dhamaanayo    maamulka Gaas, in aad ku kordhisataan wakhtiga dawladnimo in dagaal dhaco, oo la is-laayo, oo dhiig daato, waxba tarimayso. Awal-na reer Buuhoodle, hiil iyo ciidamo aad siisaan iyo difaac, aad difaacdan, Buuhoodle kumay deganayne tooda ayay ku deganaayeen”ayuu yidhi C/rashiid Qambi. Sidoo kale wasiirka iyo weftiigiisa ayaa intii aanay gaadhin magaaladda Buuhoodle waxaa lagu soo dhaweeyay degmadda Qori-lugud oo ka tirsan gobolka Buuhoodle, waxaanu halkaasi ku soo dhaweeyay madax-dhaqameed, maamulka degaamadaasi iyo dadweyne kaloo fara badan. Wasiirka Qambi iyo weftigan uu hogaaminayo waxa kaloo ay u kuur galeen xaaladda nabadgelyo iyo nololeed ee degaamadda Maygaagle,  Sool joogto iyo Kalshanle oo ka tirsan gobolka Buuhoodle.

Geesta kale Waxa shalay Degmada Widh-Widh oo ka mid ah Gobolka Buuhoodle gaadhay Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi, kaasi oo Maalmihii u dambeeyay Safar ku marayey Deegaannada hoos yimaadda Buuhoodle.  Weftiga oo uu ka mid yahay Wasiiru-dawlihii hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha JSL Cabdirashiid Riyo-raac, Wasiirka Arrimaha gudaha Khaatumo Kayse Cabdi Yuusuf iyo Masuuliyiin kale, waxa halkaa ku soo dhaweeyay Dadweynaha Degmada Widh-Widh, Masuuliyiinta Degmada iyo ka Gobolka Buuhoodle.  Wasiirka Hawlaha guud oo Dadweynaha khudbad u jeediyey ayaa ka hadlay colaadda Maamul-gobolleedka Puntland ka wado deegaanka Tukeraq iyo Weerarrada gar-darrada ah ee ay ku hayso Ciidammada Qaranka ee Jiiddaasi ku sugan.

SHARE
Article horeHadimooyinka Axmed Faarax Idaajaa ka Galay Somaliland
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here