XULASHADA HUBAAL:Wax ka Baro Sababaha haweenku isku Qurxiyaan

0
441

Su’aasha da’da wayn ee madaxa raga badan dhex miranaysa ee daalisay ilaa iyo intii ay rag iyo dumar deris wada  ahaayeen ayaa ah: Maxay doonayaan durmaku oo ka farxiya ama maxaa aalaaba soo jiita qofka dumarka? Nasiib wanaag, jawaabta su’aasha ayaa waxa dhawaan soo bandhigay aqoonyahayn bartay cilmi nafsiga oo  u dhashay dalka England.Aqoonyahanka oo lagu magacaabo Richard Wiseman, kana hawlgala jaamacada Hertfordshire ayaa waxa uu waraystay 6500 oo dumar ah oo ka kala socda wadamo kala duwan dabeecad ahaan iyo dhaqan ahaanba.Dhamaantoodna waxa la waydiiyay waxii  ay u arkeen in uu ugu xiisaha iyo xasuusta badnaa badnaa ee uu nin u sameeyay.Waxayna ku jawaabeen sidatan:

qurux dumar. Markii uu nin inta uu indhaha ka xidhay, una kaxeeyay meel, tusayna wax ka yaabiyay oo ay six eel dheeri leh ugu farxday.

. Markii uu safar gaaban u kaxeeyay oo tamashlayn iyo dalxiis hunaa.

. In uu qoray ama qaaday gabay ama hees ku saabasan ayada oo amaan iyo xaqdhar koobsatay.

Markii uu u sheegay in ay tahay ta ugu cajiibsanayd ee uu la kulmo intii uu noolaa.

. markii u  diray mail ama sms jacayl ah.

. Uu dhaxan haysay kaga celiyay jaakad uu xirnaa mar ay banaan wada joogeen.

. markii Uu u diray ubax ama jokolaato marka ay shaqaynaysay.

. markii Uu ugu diyaariyay CD ama mp3  dhamaan heesaha ay jeceshahay oo dhan.

Hadaba hadii ay kuwaa yihiin shuruudaha ugu muhiimsan ee ay haweenku idin ka rabaan in aad fulisaan, wax aad moodaa in ayna sidaa u sii adkayn in aad ku guulaysataan.  Markaa dadaalka ha la sii badiyo!

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here