Xuseen Axmed Caydiid oo Noqday Xildhibaan Golaha Wakiilladda Somaliland ah

0
4

Hargeysa (Hubaal) Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Maxamed Muuse Abees oo isna Kulmiye ka tirsan ayaa maalmahan dambe waxa dhex marayay muran dhinaca sharciyada oo la xidhiidha cida kusoo xigta ee ku fadhiisanaysa kursiga xubinnimada golaha wakiillada ee uu ka baxay Alle ha u naxariisto Marxuum Xildhibaan Ibraahim Kacaan oo toddobaadkii inna dhaafay ku geeriyooday Hargeysa.

Marxuumka ayaa ka tirsanaa xisbiga talada haya ee Kulmiye isla markaasina laga soo doortay gobolka Hargeysa.

Hadaba Komishanka Doorshooyinka Qaranka ayaa kala saaray  labadan masuul waxaanu sheegay in Xildhibaanka beddali doonaa uu noqon doono Xuseen Axmed Caydiid.

Xuseen Axmed Caydiid hayaa noqonaya xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here