Xuska Siyaarada Sheekh Cabdulqaadir Jeelaani Oo Hargeysa Laga Oogay Iyo Doorka Ay Culmida Qaadiriyadu Ku lahayd+Akhri+Daawo

0
1

Xuska Siyaarada Sheekh Cabdulqaadir Jeelaani Oo Hargeysa Laga Oogay Iyo Doorka Ay Culmida Qaadiriyadu Ku lahayd

Hargeysa (Hubaal)- Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay xuska siyaaradda Sh. Cabdilqaadir Jiillaani ayaa maanta lagu qabtay Hotelka crown ee magaallada Hargeysa.
Xuska siyaaradan oo ay soo qabanqaabiyeen Jamciyadda Qaadiriya oo ka tirsan xerta Sheekh Maxamed rabiic ayaa waxa kasoo qayb galay culimada qaadirriyada, salaadiin, saraakiil  ciidan, xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

Ugu horeynna waxa hadalka furay Sh. Xasan sh. Cali Badri oo ka warramay taariikhda iyo sooyaalka sheekha.
“Sheekh Cabdiqaadir waa ka fadligiisu ku faafay carab iyo cajab oo dhan iyo muslimiinta oo dhan. Sheekh Cabdulqaadir lagama yaqaaano dhulka muslimiinta oo keliya laakiin dacalladabdunida oo dhan baa laga yaaaan”. Sidaa ayuu yidhi sheekh Xasan. Waxaanu intaa ku ladhay ” sheekhu waxa uu ku dhashay tuullo Ciraaq ku taalla oo Jiillaaniya la yidhaahdo. Waxaanu ku xijaabtay Baqdaad oo immikana ah xarunta ugu weyn ee lagu siyaarto.”.

Dhinacooda waxaa iyaguna halkaa ka hadlay oo si qoto leh uga sheekeeyey taariikhda iyo sifaadka sheekha, Xil. Cabdi Muxumed Caateeye, Xildhibaan Siciid Cil i rooble iyo guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiillada md. Axmed Yaasii  Sheekh Cali Ayaanle oo dabcan isagu soo xidhay xuska munaasibada siyaaradda Sheekh Cabdilqaadir Jiilaani.

“Waxa uu ahaa caalim weyn oo dunids oo dhan laga yaqaanno, aqoontiisana waxa u xaadiri jiray dad lagu qiyaasay 72 kun oo qof isaga oo aan mikirifoonka aynu hadda adeegsanaa aanu jirin ayuu dadka intaas leeg ballaaqadiisu gaadhi jirtay, taasina waxa ay ka mid ahayd karaamooyinkiisii” sidza ayuu yidhi xil. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

SHARE
Article horeWargeyska The East African Oo Wax Ka Qoray Doorashada Baarlamaanka Somaliland Ee Dib U Dhacday
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here