Yaan La Hor Istaagin Horumarka Xabkaha Iyo Faleenka Ee Sanaag Iyo Saaxil

0
1

 

Aniga oo ah Yuusuf Saalax Cawad haddii aan ka hadlo mawduuca beeyada somaliland waxay soo martey marxalado badan, haddii aan is dul taago halyeygii bilaabay mashruuca beeyada Somaliland 2005 ilaa 2010 kaas oo ahaa yuusuf boos carraale AHUN marxuumkaasi wuxuu ahaa shakhsi ku hawlan horumarinta gobolka sanaag.

Yuusuf boos wuxuu sameeyey inuu ardaayada beeyada uu isu keeno una sameeyo iskaashatooyin, iyo tababaro. Wuxuu marxuumku aasaasay dalad la yidhaa Hodan development network taasoo aan ka mid ahaa hawl wadeenada dallada. intaa kadib waxa lagu talaabsadey sidii mashaariicda horumarineed oo looga doonayo world bank loogu sameyn lahaa. taasoo ay naga hor yimaadeen dagaalo lagaga soo horjeedo horumarka gobolka sanaag.

Dedaal dheer oo aanu u galney sidii beeyada loo horumarin lahaa ardaayadana la isugu soo jiidi lahaa, isla markaana beeyada suuq geyn loo sameyn lahaa. sanadku markuu ahaa 2010

Anagoo hawshaas midho dhalkeedu dhow yahay ayuu geeriyoodey marxuum yuusuf.

Haddaba dedaalkii aanu ugu jirney ka midho dhalinta beeyada intaa kuma joogsan. Runtii gobolka sanaag aaa wada lixle Waxa halkaa halgankii beeyada ka sii bilaabay Mudane barkhad  jibriil xassan faarax waxaana uu aasaasay shirkada asli maydi wuxuu sii ambaqaadey midaynta iyo maal gelinta ardaayada, isla markaa wuxuu suug geyn u doonay beeyadii gobolka sanaag.

Barkhad wuxu mideeyey beeyaysatadii degaanka gobolka sanaag iyo saaxil. intaasoo qudha kuma ekaan wuxuu dhidibada u taagey warshadii sifaynta beeyada iyo hangaradii keydka beeyada.

waxa kale oo uu sameeyey inuu  beeyaysatadii u sameeyo goobo daryeel caafimaad, goobo waxbarasho iyo rug boolis. waxa sii dheer inuu mudane barkhad si weyn uga qeyb qaatey abaartii baahsanayd ee dalka soo martey.

Haddaba. dhinaca siyaasada iyo tartankii doorashada madaxtooyada Somaliland wuxu barkhad ka mid ahaa shakhsiyaadkii ugu cadcadaa ee ku suntan guusha madaxweyne muuse biixi cabdi.

iyadoo taasina ay jirto dalkana uu barkhad ku sameeyey maalgelin balaadhan iyo shaqo abuur dhalinyaro tiro badan waxa nasiib darro ah in maanta ganacsigiisii laga hor istaago maal gelintii. iyadoo iyadoo aanay jirin sababo amaan darro oo ka jirta gobolka sanaag iyadoo ay jiraan shirkado la tartamaya shirkada asli maydi kuwaas oo carqalas ku noqdey horumarintii beeyada gobolka sanaag.

Anigoo ka mida aqoonyahanka dhalinyarada gobolka sanaag waxaan halkan farriin uga dirayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland.

Mudane madaxweyne waxa muddo ku sugan caasimadda Hargeysa odayaal iyo cuqaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka sanaag iyo saaxil  iyo maamulkii shirkadda asli maydi. Haddaba mudane  madaxweyne waxaanu si xushmad leh kaaga codsanaynaa in shirkada asli maydi loo fasaxo mashruuceeda maalgelineed. Si gobolada sanaag iyo saaxil ay ula tartamaan gobolada kale ee dalka.

waxa kale oo aanu kaa codsanaynaa inaad talaabo sharci ka qaado cid kasta oo carqalad kala hortimaada horumarka jamhuuriyadda Somaliland.

Allaa Mahad Leh

 

Yuusuf Saalax Cawad (Beeyo)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here