Yuusuf Cismaan Garas Oo La Saaray Caleemo-Saarkii Kismaayo

0
6

Wasiir U Dawlihii Hore Ee Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Oo Iska Fogeeyey Eeddeyn Si Hubanti La’aan Ah Uu Ugu Jeediyey Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye…Daawo

Hargeys(Hubaal)-Yusuf Cismaan Garas oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumaddii hore ee xisbiga Kulmiye markii u dambeysayna ahaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo tamarta, marna noqday Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada iyo Maareeye Hay’ad madaxbanaan, ayuu guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbigaasi Maxamuud Jaamac Warfaa ku daray xubno ka tirsan Golaha dhexe oo ka qaybgalay xaflada caleemosaarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed-madoobe).

Hase ahaatee, wasiir dawlaha hore oo kamida xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu tegay Kismaayo iyo in uu ka qaybgalay xaflada caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland, waxaanu sheegay in uu howlo shakhsi ah u joogo magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. “mudd afartan maalmooda waxaan jooggaa dalka Itoobiya oo aan howlo shakhsi ah u imi, mana tegin kismaayo” ayuu yidhi Yusuf Garas oo telefishan ugu waramay khadka Telefoonka.

Garas ayaa intaasi ku daray in uu xidhiidh la soo sameeyey Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga markii uu maqlay warka lagu eeddeeyey, guddoomiyuhuna arrintaasi kaga jawaabay in loo sheegay, balse aanu haynin wax hubinti ah.

Yusuf Cismaan Garas, ayaa waraysiga u bixiyey ku sheegay “maya maya anigu hargeysa markaan ka soo baxay addis ababa ayaan imi oo aan howlo shaqo oo ii gaar ah u jooggaa”.

Isagoo ka hadlay mowqifkiisa ku saabsan siyaasadda Soomaaliya waxa uu yidhi “Soomaaliya waa dal aynu siyaasad isku hayno aniguna Nin siyaasiya ayaan ahay oo xisbiga golihiisa dhexe ku jira, sabab aan u tegi karaana ma jirto, intii ay Somaliland jirtayna kumaan fekerin anigu in aan tago”.

Waxa kale oo meesha ka saaray wax khilaafa oo gaar uga dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha dhexe “markaan waydiiyey sababta uu eeddeynta iigu jeediyey wuxuu igu yidhi anigu wax cadddeyn ah ma haynin”ayuu sii yidhi Mr. Garas.

Agaasimihii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada oo muddo bilo ah xilka ka sii maqnaa ayaa shalay ka dhex muuqday munaasibad ka dhacday Magaalada Kismaayo oo lagu caleemo=saaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed madoobe, arrintaasoo si weyn baraha bulshada loogu hadal hayey tan iyo markii ay dibada u soo baxday, shaambadna ku ah Xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbigaasi Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa wariyeyaasha u sheegay in talaabo laga qaadi doono Agaasime hore Maxamed Ilkacase oo ka tirsanaa Golaha dhexe ee xisbiga, laguna tirin jiray dadkii sida weyn ugu soo shaac baxay ololleyaasha Xisbiga.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here