“Cuqaashii Ay Xirsi & M. Xaashi u Adeegsan Jireen Ciidagale Oo Xamar Ka Degey Ka Dib Markii Madaxtooyada Laga Soo Xidhay”- W/Q : Garaad Mahad M. Cabdi

0

“Cuqaashii Ay Xirsi & Maxamuud Xaashi u Adeegsan Jireen Ciidagale
Oo Xamar Ka Degey Ka Dib Markii Al-baabka Madaxtoyada Laga Soo Xidhay”- W/Q : Garaad Mahad Maxamed Cabdi..

Laba Caaqil oo a mid ah Cuqaashii Ciidagale ayaa Jilbaab Kaga Dhoofay Madaarka Cigaal International Airport, Iyagoo u Kicitimay Magaalo Madaxda Somalia Ee Moqdisho.

Labadan Caaqil oo kala ah Caaqil Mustafe Maxamed Askar (Girgire) iyo Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar Waxay Hormood u ahaayeen Cuqaashii Xirsi & Ina Xaashi Ciidagale u Adeegsan Jirey..

Labadan caaqil oo ka mid ah cuqaashii reerka hor boodayay 7-dii sano ee xukuumaddii siiraanyo, waana nimankii  guryaha ka dhistay masaakiintii taarka madaarka laga raray.

Waa niman ku caan baxay hadba halka qadhaabku ka galo, waana niman mabda’ooda shilimo ku ibsada. Kulmiye ayay ahaayeen laakin mabda’ kumay ahayn kaliya qabax qaadasho ayay ku ahaayeen.

Waayo mabda’oodii waxay kaga tageen kadin laga celiyay oo Maxamed kaahin-na ka diiday hawl ay ka rabeen fulinteeda, markaas ayay WADDANI isku shubeen.

Markay tan carabka mariyeen ayay maantana doonayaan inay Xamar-na carabka soo mariyaan, iyagoo Raysalwasaare ku xigeenka Somalia ugu tagay inuu u geeyo Farmaajo & jaaliyadaha Qatar si ay gacanta u soo mariyaan.

Markaan soo ururiyo nimankaa mabda’oodu waxa weeye hunguri iyo afkooda oo ay ku shaqo tagaan.

Waxaanay suuqa gashadeen war odhanaya waxaanu Xamar u tagnay MAG, taas oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Waayo haday dhab tahay waxay sii kaxaysan lahaayeen odayaasha reer Oo ay u horeeyaan inanka aabihii iyo adeeradii.

Hore-na umay dhicin MAG Xamar laga soo qaato waayo ninka ku dhinta wuxuu ahaa dameer bakhtiyay..

Markaan duluc-da hadalkayga u soo daadago xaqiiqada safarkani wuxuu daaranyahay xidhiidh ay ka heleen Dawladda Qatar arintaas oo macneheedu yahay mijo xaabinta jiritaanka Somaliland.

Sidaynu ognahay Somaliland waxay saaxiib dhaw la tahay dawladda Imaaradka, imaaraadka iyo qatar-na waxa u dhexeysa xurguf siyaasadeed iyagoo isku haya dano dhaqaale iyo dilaalis qaan-gaadhay.

Sidaa darteed cuqaashan waxay dawladda Qatar u adeegsanaysaa ka shaqaynta arimo lid ku ah qaranimada jamhuuriyadda Somaliland.

Cuqaashani waxay hor dhac u yihiin cuqaal tiro badan oo ka daba tagi doonta, kuwaas oo la mabda’a ah watana fikirka dawladda qatar ee lagu mijo xaabinayo qaranimada Somaliland..

Ugu denbeyn waxaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha, wasiirka arimaha gudaha iyo laamaha amaanka inay sharciga mariyaan haddii kale waxay noqon doontaa waddo inagu furantay..

Qore : Garaad Mahad Maxamed Cabdi..

Allaa Mahad leh..

“Baanka Adduunka Waxannu Leenahay, Somalia Waxa aad Ka Dhaafteen Iyo Waxa U Qabanaysaan Idinka Ayey Idiin Taallaa”

0

Madaxweyne Biixi Oo Si Adag Uga Hadlay Deyntii Baanka Adduunku ka Cafiyey Somalia, muxuuse Ka Yidhi Xubnihii labada xisbi mucaarid ee shalay Wakiilladu diideen?

Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hoosta ka xarriiqay inay Somaliland tahay dal madax-bannaan oo gaarkiisa u taagan, waxana uu Baanka adduunka u diray  farriin uu ku caddaynayo in deymaha Soomaaliya laga dhaafay aanay ahayn wax u yaalla Somaliland, sidaasina waxa uu madaxweynuhu ka sheegay kulan wadajir ah oo isaga iyo labada hoggaamiye mucaarid shalay yeesheen, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi, “Baanka Adduunka waxanu leenahay labadaas dawladood ee 1960-kii isu tegay ee 1991-kiina kala baxay mid walba sideeda iyo gaarkeeda ayaa loola macaamilayaa, Somaliland haddii la leeyahay kuma ictiraafsanin oo kula macaamili maynno, Soomaaliya waxa aad ka dhaafteen iyo waxa u qabanaysaan idinka ayey idin taallaa, annaguse Somaliland baannu nahay, wixii nalagala hadlayo annagaa nalagala xaajoonayaa oo naloo soo marin maayo cid kale, madax-bannaannida iyo ictiraafkaad sheegaysaan waa kaannu ka baxnay ee ka dagaallanay ee aannu goonida u joogno ee aannu dawladda ka dhisannay.”

Sidoo kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka dareen celiyey diidmadii ay shalay golaha wakiilladu kala hortageen labadii xubnood ee ay axsaabta mucaaridku usoo magacaabeen komishanka doorashooyinka qaranka, waxana uu sheegay inay tallaabadaasi ahayd mid aan loo fadhiyin oo lama filaan noqotay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa tilmaamay inay golaha wakiilladu ku ixtiraaman yihiin go’aannadooda, balse la joogo waqtigii wada-jirka iyo isku-duubnida, qaranku aannu diidmadaas u filaynin, waxana  uu yidhi, “Golaha wakiilladu waa sharci oo way madax-bannaan yihiin, go’aankoodana iyagaa xor u ah, sharciyan baannu taas u arkaynaa, waanna aqbalaynaa wixii ay soo saareen oo ma diiddanin, laakiin talada dalka iyo danta dalku maanta waxa  ay ku jirtaa inaynu is wadanno, Komishanka dhibtiisu waxa uu ina gaadhsiiyey laba sano iyo dheeraad, wejiyaal badan buu lahaa, khilaaf badan baa ka jirey, weynu soo af-jarnay. Iyada oo dalku maanta midaysan yahay oo wax walba laga heshiiyey oo xisbiyadii mucaaridka ahaa la oggolaysiiyey inay labadii keenaan oo ay ahayd inaynnu midnimada u dhaqaaqno oo aynnu doorasho higsanno, midnimada iyo wada-jirka dalkuna ku jireen maanta inay ansixiyaan labadaas xubnood, arrintaasi maanta kammaannu filayn, qarankuna kama uu filayn, sabab loo soo celiyo nimankaas, waase gole oo waa u xor wixii uu gaadhay,” Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu madaxweynuhu sheegay in arrintaas talo la isaga noqon doono, axsaab, xukuumad iyo wakiilloba, islamarkaana uu ku han weyn yahay in lasii ambo qaadi doono geeddi-socodka loogu jiro sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen waqtigooda.

Ugu dambayn, madaxweynaha ayaa bulshada reer Somaliland u direy farriin faahfaahsan oo ku saabsan ka hortagga caabuqa COVID-19, waxana uu kula dardaarmay in ka hor-taggu yahay tallaabada kaliya ee xanuunkaas bulsho ahaan lagaga badbaadi karo.

Cirro Iyo Faysal oo Baanka Adduunka usoo Jeediyey Inuu Ixtiraamo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland

0

Labada guddoomiye waxay aad u dhaliileen siyaasadda baanka adduunku kula macaamilo Somalia

Hargeysa(Hubaal)- Guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee Ucid iyo Waddani ayaa baanka adduunka ugu baaqay inuu ixtiraamo madax-bannaanida jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ula macaamilo sidii dal hawlihiisu u gaar yihiin, oo ka madax-bannaan Somalia. Hadalkan ayaa ay ka sheegeen shir jaraa’id oo hoggaanka mucaaridka iyo madaxweynaha Somaliland ay shalay si wadajir ah u qabteen.

Ugu horreyn Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe oo arrinta deyn cafinta ka hadlay, ayaa sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin laba dal oo mid weliba arrimihiisa u madaxa bannaan yahay, islamarkaana haddii si dhab ah loo eegayo shuruudaha dhabta ah ee deymaha lagu bixiyo ay Somaliland xaq u leedahay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Haddii cid lacag la siinayo in Somaliland oo maanta nabadgelyo iyo horumar u baxday in la siiyo ayey ahayd, lacagtanna waxa loogu talo galay inay ku ololeeyaan yaryarkaa  Villa Soomaaliya qabsaday. markaa in dadka loo dhuubo oo la waalo ma aha, lacagtaas waxannu leenahay Somaliland wixii la siinayo laba dal oo isu tegay baynnu ahayn oo mid wuu dhisan yahaye in waxayaga saami naloo siiyo ayey ahayd.”

Guddoomiye xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isaguna dhiciisa caddeeyey inuu baanka adduunku ka leexday dariiqii saxda ahaa ee dunida inteeda kaleba kula macaamisho Somaliland oo ah sidii dal u madax-bannaan arrimihiisa masiiriga ah, waxana uu yidhi,  “Sida madaxweynuhu sheegay waxaynnu isku raacsannahay in Somaliland yihiin laba dal oo jaar ah oo walaalo ah, Baankana waxannu leenahay waxa ku  waajib ah inuu ula kala dhaqmo Soomaaliya iyo Somaliland, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliyana 1991-kii baa isugu dambaysay wax-isugu-jirkoodii, inkasta oo aynaan helin ictiraaf, haddana dunidu waxay inoola dhaqantaa Somaliland ahaan, waxannu doonaynaa inuu Baankuna Somaliland ula dhaqmo Somaliland, wixii la siinayona toos loo siiyo oo aan cidna loo soo marin.”

Xubnihii UCID & WADDANI oo Mari Waayay Golaha Wakiillada

0

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa diiday inay ansixiyaan Labada xubnood ee mucaaridku u soo Magacaabeen inay uga mid noqdaan komiishanka doorashooyinka Qaranka

Hargeysa (Hubaal) – Golaha Wakiillada Somaliland ayaa diiday inay ansixiyaan Labada xubnood ee Xisbiga WADDANI iyo UCID u soo Magacaabeen inay uga mid noqdaan komiishanka doorashooyinka Qaranka. Fadhi shalay oo arbaca ahayd ay yeesheen Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland isla-markaana ay Goob-joog ka ahaayeen Xubnaha Xisbiyadu ay u soo Magacaabeen Komiishanka, ayaa Xildhibaannadu mid mid ugu gacan taageen, laakiin midna ma helin Tirada Codadkii uu ku ansixi lahaa. Cabdifataax Ibraahim Xasan oo Xisbiga UCID ku matali lahaa Komiishanka ayaa waxa u codeeyay oo ogolaaday 29 Xildhibaan, waxa diiday 8 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 14 Xildhibaan.

Sidoo kale, Cabdikariin Maxamuud Siciid (Dalmar) oo ah Xubinta uu Xisbiga WADDANI u soo Magacaabay Komiishanka waxa u codeeyay isla-markaana ogolaadya 31 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 14 Xildhibaan, waxaana diiday 6 Xildhibaan.

Sidaas ayay labada Xubnood kaga hadheen komiishanka cusub ee doorashooyinka Qaranka Somaliland, maaddaama oo mid walba laga rabay inuu helo 41 Cod.

Ardaydii reer Somaliland Ee Wax Ka Baranayay Itoobiya oo Soo Noqday

0

Dawladda Itoobiya ayaa dhawaan shaacisay in ay wadamadoodii dib ugu noqdaan ardayda aan dalkaasi u dhalan ee wax ka barta jaamacadahoodda

Tog-Wajaale (Hubaal): Arday reer Somaliland ah oo wax ka baranayay jaamacadaha dalka Itoobiya oo ka soo laabtay ayaa shalay soo gaadhay magaaladda Tog-Wajaale. Kadib markii dawladda Itoobiya shaacisay in ay wadamadoodii dib ugu noqdaan ardayda aan dalkaas u dhalan ee wax ka barta jaamacadahoodda, dhibaatadda xanuunka Corona Virus awgeed. Ardaydan oo tiradoodda lagu sheegay 151 arday  ayaa noqonaya kooxdii u horaysay ee ka soo laabta Itoobiya. Kuwaasoo ah ardaydii deeqaha waxbarasho ka helay dalka Itoobiya.

Waxaana ardaydaasi hor kacayay masuuliyiin ka socday safaaradda Somaliland ee dalka Itoobiya.

Ardaydaasi markii ay soo gaadheen magaallo-xuduudeedka Tog-Wajaale soo dhaweeyay  badhasaabka badhasaabka gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, taliyaha laanta socdaalka gobolka Wajaale.

Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee Gabiley, agaasimaha cusbitaalka Wajaale, iyo maamulka degmadda Tog-Wajaale.

Ardaydan ayaa dhamaantoodba caafimaadkooda laga baadhay xanuunka Corona Virus markii ay soo gaadheen magaaladda Wajaale ee dhicnaca Somaliland.

Iyadoo mid walba  laga qoray  macluumaadyo kala duwan sida magacyadoodda,  lanbarrada telefanadoodda, iyo meesha lagala xidhiidhi karo, si xaaladoodda caafimaad loola socdo muddo 14 maalmood ah.

Waxaana  la faray in ay muddo 14 maalmood ah guryahoodda joogaan, isla markaana aanay wax xidhiidh ah la yeelan qoysaskoodda.

Geesta kale inkastoo uu xidahn yahay xuduudka Somaliland iyo Itoobiya ayaa hadana in ardaydu ay soo gudbaan waxaa ogolaaday guddiga heer qaran ee ka diyaar garawga Covid19.

Sida uu sheegay taliyaha laanta socdaalka ee Wajaale, waxaanu yidhi  “Xuduudka labadda dal wuu xidhan yahay. Laakiin, guddiga heer qaran ayaa amartay in wixii arday ah la soo daayo, oo ay soo gudbaan”.

Dhinaca kale ka sekow ardayda reer Somaliland waxaa la filayaa in ay jiri doonaan arday kale oo ka soo jeedda deegaamadda kale ee Soomaaliya iyo Puntland ay Somaliland ka soo galaan magaaladda Tog-Wajaale maalmaha soo socda. Maadaama oo ay dawladda Itoobiya xanibtay duulimaadyadii diyaaradaha, isla markaana ardaydaasi loo gudbin doono deegaamadda ay ka soo jeedaan. Sida uu shalay sheegay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo hadlayay saamaynta Corona Virus.

“Laga bilaabo Maanta Waxa La Xidhay Dhammaan Xadka Dhulka Ah Ee Somaliland la leedahay dalalka ITOOBIYA, DJIBUTI iyo SOOMAALIYA, waxa kaliya oo ka soo gudbi kara waa…”

0

Somaliland Oo Xidhatay Gabi Ahaanba Xuduudaheeda Dhulka Ee Ay La Leedahay Dalalka Itoobiya, Jabuuti Iyo Soomaaliya

Akhri War-saxaafadeed xambaarsan go’aanno oo ay Guddiga Ka hor-tagga COVID-19 soo saareen shalay

Hargeysa-(Hubaal)- Sukuumadda Somaliland ayaa shaacisey in gabi ahaanba la xidhay xaduudka dhulka ee Somaliland  la leedahay dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Sidaasina waxa lagu sheegay war-saxaafadeed xambaarsan go’aanno muhiim ah oo ay shalay soo saareen Guddida heer qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland u xil-saartay u diyaar-garowga iyo ka hortagga Xannuunka COVID19,, kaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Hubaal waxaanu u qornaa sidan:-

“Waxa la xidhay dhammaan xadka dhulka ah ee Somaliland ay la leedahay dalalka ITOOBIYA, DJIBUTI IYO SOOMAALIYA muddo 3 toddobaad ah, laga bilaabo 26th March 2020, 06:00 PM, waxa kaliya oo ka soo gudbi kara waxyaaabaha daruuriga ah sida Raashinka, Shidaalka, Daawooyinka iyo Agabyada kala duwan ee caafimaadka iyo Baddeecadaha Ganacsiga.”

Muranka Webiga Niilka: Doodaha Itoobiya iyo Masar

0

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Markii ugu horaysay ee webiga niilka la helo waxa ay ahayd 1600-kii, waxaana helay baadari u dhashay dalka boortuqaal, oo u socday hawlo ah fidinta diinta kiristaanka.

Webiga niilku wuxuu u qaybsamaa laba qaybood oo kala ah:

  1. Niilka cad (White Nile)
  2. Niilka buluuga ah( Blue Nile)

Muranka u dhexeeya labadan dal wuxuu cirka isku shareeray sannadkii 2011. Waa markii uu soo baxay dhismaha biyo-xidheenka ay Itoobiya ka dhisayso deegaanka uu maro webiga Niilku. Biyo-xidheenkan ayaa lagu maalgeliyey adduun dhan $4.2 Bilyan, waxaanu awood u leeyahay inuu soo saaro dab gaadhaya 6,000MW. Biyo-xidheenku wuxuu qaadi doonaa 74 Milyan oo mitir kuyuub oo biyo ah.

Doodda Masar: Dawladda Masar waxa ay mar kasta miiska soo saartaa heshiisyadii laga gaadhay qaybsiga biyaha webiga Niilka ee la kala saxeexday sannadihii 1929 iyo 1959. Kuwaasi oo dhigayey in Masar ay biyaha Niilka isticmaasho 75%. Inta kalena ay dalalka kale isticmaalaan. Ku dhawaad 2.5 Milyan oo Masaari ah ayaa noloshoodu ku xidhan tahay biyaha webiga Niilka, waan dalka ugu dambeeya ee uu gaadho webiga Niilku ka dibna wuxuu ku shubmaa biyaha badda Midhatareeniyanka.

Walaac ugu weyn ee dawladda Masar haystaa waa haddii uu dhaqangalo buuxinta biyo-xidheenka ay dawladda Itoobiya ka dhisayso webiga Niilka qaybta Itoobiya inay waayi doonaa laba qaybood mid ka mid ah biyihii soo gaadhi jiray. Masar waxa ay si aad u salluugsan tahay heshiiskii ugu dambeeyey ee laga gaadhay saami-qaybisga biyaha webiga Niilka . Siyaasiyiinta iyo aqooyahanka Masar ayaa la’aanta biyaha webiga Niilka ku sifeeyey haddii la waayo dhibici biyo ah inay u dhiganto dhibic dhiig ahi.

Doodda Itoobiya: Dawladda Itoobiya waxa ay ku doodaysa in aanay ku dhaqmayn heshiisyadii la galay sannadihii 1929 iyo 1959. Kuwaasi oo ay ku tilmaamtay inay ahaayeen kuwa u dhaqmayey dano gumaysi oo Masar u hiilanaayey. Sidoo kalena caddaaladda ka fogaa. Waxa ay ku sifeeyeen heshiisyo aan wakhtigan cusub la jaan-qaadi karayn oo ku salaysnaa fikrad gabowday. Itoobiya waxa xaq u aragtaa heshiiskii la galay sannadkii 2010, kaasi oo dhigayey in saami-qaybsi cusub oo si caddaalad ah loogu qaybsaday biyaha webiga Niilka.

Waxa heshiiskaasi saxeexay dalalka Ugaandha, Ruwaandha, Tansaaniya iyo Itoobiya. Waxa se diiday dalalka Masar iyo Suudaan. Hasayeeshii markii xukunkii Suudaan ay wax iska beddeleen haatan Suudaan waxa ay la socotaa dalka Itoobiya. Biyaha ka soo burqada Niilka buluuga ah wuxuu ka yimaadaa harada Taana ee dalka Itoobiya, markaa Itoobiya waxa ay u aragtaa ka hadalka biyaha webiga Niilka inay iyagu xaq u leeyihiin go’aaminteeda, maadaama oo uu dalkooda ka soo bilaabmo.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay In Aanay Qaadka Joojin karayn

0

Hargaysa (Hubaal): Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in aanay suurto gal ahayn in wakhtigan la joojiyo Qaadka Somaliland uga yimaadda dhinaca dalka Itoobiya oo dawladda dhaqaale ka soo gallo. Kadib markii  ay isla maanta sheegeen guddiga heer qaran ee  ka hor taga xanuunka Corona, iyadoo ay sheegeen in la xidhay gebi ahaanba xuduudaha dhulka Somaliland la leedahay Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya muddo saddex todobaad ah. Taasoo ka bilaabanaysa Khamiistan maanta oo ay bishu tahay 26-ka March, iyadoo la joojiyay dhamaanba waxyaabaha dalka ka soo gala dhinaca dhulka. Arrinta la xidhiidha joojinta Qaadka ayay maalmahan si weyn bulshadu iskula dhex marayeen hadal haynteedda, waxaanay ku doodayeen kuwa taageersan in la joojiyo Qaadka maadaama oo Itoobiya laga helay kiisas badan oo xanuunka Corona ah. Hase yeeshee  wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, oo xubin ka ah guddiga heer qaran ee  ka hor taga Covid 19 ayaa cadeeyay in ay arrin adag tahay in lagu deg-dego joojinta Qaadka.

Arrintaasi oo uu ku sababeeyay xuduudka aadka u dheer ee ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya oo aan la wada ilaalin Karin.

Waxaanu yidhi, “Qaadka marka si run ah looga hadlayo, Qaadku waa mawduuc (issue) adag. Haddii aanu ka joojino in uu Wajaale ka soo gallo, xuduud 1000 KM ah ayaanu la leenahay Itoobiya. Kunkaa kiiloo mitir Waddo kastaaba way furan tahay”.

Wuxuu sheegay wasiir Koore, in gawaadhida Qaadka ka keena Itoobiya aan loo ogolayn in ay soo raacaan laba qof wax ka badan, kuwaasoo weliba caafimaadkoodda la soo baadhay.

“Waxaanu isku deyaynaa in aanu dhibtiisa yarayno. Labadda qof ee baabuurka Qaadka soo raacayaa ay noqdaan laba qof oo la baadhay caafimaadkoodda, Wadadiisiina aanu hadda u dayno”ayuu yidhi wasiir Koore, oo shalay u waramay BBC.

Geesta kale wasiirka warfaafinta Somaliland waxa uu sheegay in haddii loo arko in dhibaato ay bulshadda kaga soo socoto dhinaca Qaadka in markaa tallo laga yeelan doono.

Waxaanu yidhi, “Haddii loo arko dhibaato iyo wax weyn, oo ummada dhib ku ah in uu yimaadana, markaa tallo ayaa looga noqonayaa, ummadana waxbaa laga waydiinayaa”.

Dhinaca kale Qaadka ka yimaadda Itoobiya waxaa dhaqaale ahaan ku tiirsan dawladda Somaliland oo dakhli fara badani ka soo gallo cashuurtiisa.

Halka sidoo kale-na ay nolol ahaan ugu tiirsan yihiin boqolaal qoysas ah iyo boqolaal qof oo kale oo shaqo maalmeedkoodu yahay xidhan yahay Qaadka.

AKHRI: Nuxurka Fariin ku Socota Macaamiisha DAHABSHIIL Ee Daafaha Dunida Ku kala Nool

0

Hargeysa (Hubaal) Shirkadda Dahabshiil ayaa farriin ku dhererran xaaladda dunida ku soo korodhay ee xanuunka COVID-19, waxay u dirtay macaamiisheeda daafaha adduunka ku kala nool. Farriinta shirkadda Dahabshiil u dirtay macaamiisha Dahabshiil ayaa lagu yidhi sidan:

“Waxaanu la dareennahay Macaamiisha Dahabshiil ee Daafaha dunidda ku nool, iyo warwar-ka ay ka qabaan xanuunka (Covid-19) oo aad ugu fidaya aduunyadda oo dhan iyo sidii ay eheladooda iyo asxaabtooda u gaadhsiin lahaayeen Lacagihii ay u diri jireen.

Sidaa daraadeed, waxaanu Macaamiisha Dahabshiil la socodsiinaynaa in Lacagaha aad  eheladiina u soo diraysaan aad ka soo diri kartaaan Mobile App-ka Talkremit (www.talkremit.com) idinka oo Jooga Guryihiina.

Shirkadda Dahabshiil Waxay sidoo kale ku wargelinaysaa macaamiisheeda joogta dalka gudihiisa in lacagaha loo soo diro ay ku heli karaan Mobile-kooda iyaga oo jooga guryahooda. Sidaa awgeed macmiil fadlan la wadaag ehelkaaga iyo asxaabtaada Lambarkaaga Somtel ee leh adeega eDahab si lacagta laguu soo dirayo aad ugu hesho mobile-kaaga.

Shirkaddu waxay ku dadaalaysaa inay laban-laabto dedaalkeeda adeeg-bixineed Wakhtigan adag ee lagu jiro, si aanu u xaqiijino in dhammaan macaamiishayadu ay degdeg u helaan lacagaha ay u soo dirayaan eheladooda iyo asxaabtoodu.

Shirkadda Dahabshiil waxa ay macaamiisheedda ku waaninaysaa inay ku dadaalaan ilaalinta nadaafadooda iyo inay raacaan dhamaan talooyinka iyo talaabooyinka caafimaad ee lagaga horta tagayo xanuunkan (Covid-19).

Waxaad kala socon kartaan si joogta ah wixii kasoo kordha xaallada Xanuunka iyo adeegyadda Dahabshiil Degelkayaga (https://www.dahabshiil.com). Ilaahayna waxa aanu ka rajaynaynaa inuu ina hareer mariyo masiibadan caafimaad (Aamiin).

Wa billaahi Tawfiiq

Kulankii Guddiyadda Nabad-geliyadda Caasimadda Hargeysa oo la Joojiyay

0

“Waxaanu joojinay isu imaatinkii guddida nabadgeliyada caasimada laakiin waxaa aanu sameynayna tii gobolka” Duqa Caasimada, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (soltelco)

Hargeysa (Hubaal) Duqa Caasimadda Hargeysa ,mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa sheegay inay fulinayaan qorsheyaashii ay soo saareen guddida heer Qaran ee ka hortaga Cabuqa Carona. Dhanka kale Duqa caasimadu waxaa uu caddeeyay in ay degmo degmo u fulin doonaan hawlaha lagaga hortago xannuunka Caroona. Sidoo kale duqa caasimada Hargeysa waxaa uu ku dhawaaqay in la joojiyey isu imaatinkii gudiyada nabadgeliyada caasimadda, isaga oo xusay in ay sameynayaan tii gobolka ah mid kooban oo uu hogaamin doono badhasaabka gobolka Maroodijeex, labada taliye qaybeed iyo mayirka, si ay degmooyinka shaqeynaya ugu gudbiyaan awaamirta iyo hawlaha socda. Waxaa kale oo uu maayirku soo jeediyey in la xidho guud ahaan wixii meherado shaaha laga cabo ah.

Duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco isaga oo arrimahaasi si qoto dheer u sharaxaya waxaa uu yidhi; “Waxaan bulshada caasimadda u sheegaya in aanu fulin doono qodobadii mihiimka ahaa ee ay guddida heer Qaran ee ka hortaga xannuunka Corona-vires ay soo saareen, dalka aynu jaarka nahay oo dhan waa laga helay, ILLAAHEY inaga oo badbaadada ka dalbeyna hadana waxaa aynu u baahanahay inaynu umadd ahaan ka diyaar garowno.

Waxaa caasimadda ku nool kala badh bulshaweynta Somaliland, waxaa ay tahay in ka hortag la sameeyo, ka hortagaasi hadii iclaanka leysku maqli waayana waxaa ay noqoneysa in qofka ixtiraamkii uu lahaa laga kaxeeyo, dhab ahaantii qodobadii ay soo jeediyeen waxaa loo fulin doona degmo degmo, degma walbana taliyaheeda saldhiga, gudmoomiyaha degmadda, gudoomiyaha nabadgeliyadda, intaasi waxaa ay sameyn doonaan iyaga oo adeegsanaya ciidanka booliska iyo dhammaanba shaqaalaha dawlada hoose iyo guddiyadda nabadgeliyaddaba in go’aamadii ay soo jeediyeen guddida Qaran, ee ahaa in aan leysugu iman Marfishyadda Qaadka kolayadda qaadka, makhaayadaha, la wada fadhiisto , hadaba cidii lagu arko xata guri iyadda oo fadhida in guddiyada nabadgeliyada iyo ciidamadda boolisku ay soo xidhaan, koleygana la ganaaxo qofka lehna la xidho, makhaayad shaah oo dhana sida guddidu soo jeedisay in la xidho weeye.

Waxaanu joojinay isu imaatinkii guddida nabadgeliyada caasimada laakiin waxaa aanu sameynayna tii gobolka, oo badhasaabka gobolka Maroodijeex hogaaminayo labada taliye qaybeed iyo maayirka, taasi oo noqon doonta guddi kooban oo degmooyinka ka shaqeynaya ugudbisa awaamirta iyo hawlaha socda ”

Xukuumadda Somaliland oo Baaq gaara u Jeedisay Warbaahinta Gaarka Loo Leeyahay

0

“Dawladdu Diyaar Uma Ah Telefishan Caafimaadkeeda Iyo Madax-Bannaanidda Somaliland Caqab Ku Ah,” Wasiirka Warfaafinta Somaliland

 

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL, Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in aanay dawladdu diyaar u aheyn Telefishan caqabad ku noqda Arrimaha Caafimaadka iyo Madax-bannaanida Somaliland. Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wuxuu sidaas ka sheegay shirjaraa’id oo ay shalay xarunta Warfaafinta ugu qabteen Guddida heer Qaran ee ka hortagga Xanuunka Coronavirus (Cofid19),waxaanu Warbaahinta ku booriyey inay baahiyaan tilmaamaha iyo farriimaha dawladdu soo saarto,waxaannu yidhi “Marka hore TV-yada Madaxa Bannaan iyo dhammaan Saxaafadda gaarka loo leeyahay waxaan ka codsanaynaa inay ku soo biiraan Siyaasadda Qaran ee lagula dagaalamayo Xannuunkan. Si ay farriintu si isku mid ah ugu baxdo oo si taxadar leh loo sheego oo ay noqoto mid ummadda u adeegta ee aan ka adeegin.”

“Waxaynu rabaa in war kastaa yeesho il (Source) uu ka soo baxo oo la hubiyo. Wasaaradda Caafimaadka ayaa tilmaamaha leh.laakiin Wasaaradda Warfaafintu waxa ay yeelaynaysaa inay hagto dhammaan wixii Warfaafin ah ee ku saabsan xannuunkan,” ayuu yidhi Wasiir Koore waxaanu intaas ku daray “Waxaanu magacaabaynaa Guddi farsamo oo arrintaas dardargeliya oo hoos yimaada Guddida Qaran ee ka hortaga iyo u diyaargarowga Coronavirus.”

Wasiirka Warfaafintu waxa kaloo uu caddeeyey inay jiraan Telefishanno aan la shaqeyn Wasaaradda,waxaanu yidhi “Telefishannada gaarka ah waxa jira qaar aan nala shaqeyn qarin maayo. Intii aan imid TV-yo aan ka soo xaadirin ayaa jira. Telefishannada qaar waxaanu u aqoonsanaynaa markaanu borobagaandadooda sida aanay iskaashi nagala laheyn Arrimaha Somaliland aanu aragno,waxaanu u aqoonsanaynaa in aanay ka mid aheyn Telefishannada laga leeyahay Somaliland.”

“Dawladdu diyaar uma ah Telefishan caafimaadkeeda iyo madax-bannaanidda Somaliland caqab ku ah,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.