“Adduunyada Nin Shaqaalenimo Ka Hodmay Ama Dhaqaale Ka Helay Ma Jiro, Markaa Dhalinyarooy Waa Inaydun Ka Fikirtaan In Idinka La Idiin Shaqeeyo”

0
7

Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Ka Garaabay Tabasho Ay Soo Jeediyeen Dhalinyarada Kulmiye, lana dardaarmay

Hargeysa (Hubaal) Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka qaybgalay munaasibad hogaanka Xisbiga talada haya ee Kulmiye hadhimo-sharafeed ugu sameeyey dhalinyarada Xisbigaasi, ayaa ka garaabay cabashooyin ay kulankaasi ka soo jeediyeen dhalinyarada xisbigu, taasoo u badan dhinaca shaqaalaysiinta iyo ka abaal-celinta tacabkii ay ku lahaayeen guulihii xisbiga.

Saylici, ayaa tilmaamay in waxyaabaha saluugga keenay ay kamid tahay xaddidnaanta fursadaha jira iyo baahida dhalinyarada oo kala badan, isagoo xusay in ay xukuumaddihii kulmiye ee kala dambeeyey deddaal badan u sameeyeen dhalinyaradii la soo halgantay. Madaxweyne ku-xigeenku waxa kale oo uu ku booriyey dhalinyarada qaranka in aanay ahmiyada koowaad siinin sidii ay u heli lahaayeen shaqo ay shaqaale ka noqdaan, balse ay la yimaadaan hal-abuur u sahlaya in ay iyagu loo shaqeeyayaal noqdaan. “Waxaan idinku dardaarayaa inaydun hankiina kor u qaadaan oo aydun ku qancin shaqaalenimo, adduunyada nin shaqaalenimo ka hodmay ama dhaqaale ka helay ma jiro, dhalinyarooy waa inaydun ka fikirtaan in idinka la idiin shaqeeyo oo aydun hal-abuur samaysaan.”

Waxa uu ku booriyey in ay ka qaybgalaan tartanka Doorashada goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo ay soo xushaan dad karti iyo aqoon leh oo astaan u noqon kara dhalinyarada. “Waxa innagu soo dhow doorashooyinkii, muddo badan baa wax la yidhaa saami-qaybsi aad looga hadlayaayay, maanta marka dhan walba laga eegay duruufta jirta iyo culayska goleyaasha muddo dhaafay, in doorashadii maanta mar labaad sidii lagu galo, markaa cidkasta oo tabasho qabta iyadoo garawshiyuhu jiro oo aan la lahayn waxaad tabanaysaan ma jiro, waxan leeyahay maanta duruufbaa kaliftay inaan laga gaadhsiin karaynin, markaa dhalinyarada Somaliland gobolkasta oo ay joogaan inay u diyaar garoobaan doorashadaasi.” Ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo shalay ka qaybgalay munaasibad hogaanka Xisbiga talada haya ee Kulmiye hadhimo-sharafeed ugu sameeyey dhalinyarada Xisbigaasi,

Munaasibada waxa kale oo khudbada ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyi-gelinta iyo masuuliyiin kale oo kamida madaxda xisbiga.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here