Agaasimaha Xabsiyada Oo Ka Hadlay Cafis Madaxweynuhu U Fidiyey Maxaabiista Dembiyada Fudud U Xidhan

0
158

Madaxweynaha Oo Saamaxay in Ku dhow  5 Boqol Oo Ku Jira Jeellasha  Dalka Iyo Hay’adaha Ku shaqada Leh Oo Ka Hawlgalay Sii-deyntooda

Hargeysa (Hubaal) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Cafis ku sii daayey Maxaabiis Tiradadoodu dhan tahay 489. Cafiskan oo ah mid uu Sannad walba Madaxweynuhu Sameeyo isla-markaana lagu siidaayo Maxaabiista u xidhan Dambiyada yaryar, ayaa waxa sannadkan ka faa’ideysanaya 489 Maxbuus oo muddooyin kala duwan ku xidhnaa Xabsiyada Dalka. Sidaana waxa Xaqiijiyey Agaasimaha Waaxda Xabsiyada ee Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Gar-yaqaan Ibraahim Khadar, sida uu ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Shabakadda Xidhiidhka Bulshada ee Facebook. Agaasimaha Waaxda Xabsiyada ayaa qoraalka uu Facebook ku baahiyey wuxuu u qornaa sidan “Si maxaabiista xidhan loo kala fududeeyo, waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) cafis u fidiyey 489 maxbuus oo xabsiyada dalka ku xidhan, buuxiyeyna shuruudaha cafiska. Xeer-ilaalinta, Ciidanka Asluubta iyo Wasaaradda Caddaaladdu waxay si toos ah Maanta [Khamiistii] uga hawlgaleen sii-daynta maxaabiistaas. Cafiska Madaxweynaha ujeeddada ugu weyn ee loo sameeyaa waa in buux-dhaafka xabsiyada laga qaado oo il-naxariis leh lagu eego maxaabiista.” Madaxweynuhu wuxuu hore Cafis ugu fidiyey Maxaabiis Tiradoodu ahayd 94, kuwaasi oo ku xidhnaa Xabsiyada Maxaabiis-1Magaalooyinka Burco iyo Boorama oo uu dabayaaqada bishii Shannaad ee Sannadkan uu ka dillaacay Cudurka Shuban-biyoodku.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here