AKHRI: Eng. Feysal Cali Waraabe Oo Shirweyne Lagu Casuumay Kaga Qayb galaya Dalka Mexico ee Qaarada Latin America

0
64

AKHRISO: Ujeeddada Shirweynahaas Oo 30-ka Bishan Ka Furmi Doona Caasimadda Mexico City Iyo Qoddobada Ku Xardhan ajendaha Martiqaadkaas

 

Mexico City (Hubaal )- Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka Somaliland Ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa socdaal ugu Ambo-baxay caasimadda Wadanka Mexico ee qaaradda Latin America, halkaas oo uu kaga qayb galayo Shirweynaha Axsaabta siyaasadda adduunka ee xubnaha ka ah    Dallada Ay ku bahoobeen Xisbiyada Adduunku ee  loo yaqaan The Socialist International  (SI)

Guddoomiyaha UCID oo xisbigiisu xubin ka yahay Dallada loo soo gaabiyo SI (socialist International) ayaa isaga oo metelaya dalkan Somaliland waxa uu Shirweynaha kaga qayb galayaa  magaaladda Mexico City ee Caasimadda dalkaasi Mexico halkaasoo uu ka furmi doona 30-ka bishan June  illaa 01-da July ee sanadkan, iyadoo khudbadda furitaanka uu shirkaasi ka jeedin doono Madaxweynaha dawladda wadanka Mexico Mr.  Enrique Peña Nieto.

 Guddoomiyaha oo galabnimadii Khamiistii ee toddobaadkii inna dhaafay dalka ka ambo baxay  isaga oo ku sii jeedda dalkaas Mexico ayaa waxa uu ku sii hakaday dalka Ethiopia.

Haddaba  Sida lagu shaaciyey Marti-qaadka guddoomiyaha UCID uu u soo direy Xog-hayaha guud ee  dalladan, Mr. Luis Ayala, waxaana  shirka ajendihiisu koobsanayaa arrimo kala duwan oo khuseeya xaaladda dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed, Ammaan iyo degennaansho ee dunida, iyadoo inta uu socdo diiradda lagu saari doono qoddobo ay kamid yihiin dimuqraadiyadda iyo qaddiyadda guur-guurka iyo muhaajiriinta caalamka iyo mawqifka SI uu ka qabo  arrinkaas.

Capture

Social

 Haddaba nuxurka Shirweynahaas iyo Qoddobada ku suntan Marti-qaadka xubnaha iyo weliba AJendaha lagaga hadli doono inta uu socdo, faahfaahintiisa Guji lifaaqan

 Haddaba nuxurka Shirweynahaas iyo Qoddobada ku suntan Marti-qaadka xubnaha iyo weliba AJendaha lagaga hadli doono inta uu socdo, faahfaahintiisa Guji lifaaqan 2

 

 

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here