AKHRI+DAAWO: Kiniisad Hargeysa Laga Furay iyo Haweennayda aasaastay oo ka hadashay sababta ay u furtay

0
206

Kiniisad Ay Wax Ku Caabudi Doonaan Dadka Aaminsan Mad-habta Kaatoliga Ah Ee Ku Sugan Somaliland Oo Hargeysa Laga Furay

 

”Dawladda ayaa xaqiiqsatey in dalnimadooda ay mihiim u tahay in Kiristaanka loo ogolaado meel ay wax ku caabudaan, waxaanay noo ogolaatay inaanu dib u furno xarun Kiniisad ah.

Hargeysa (Hubaal) – Haweenay Ajaanib ah oo lagu magacaabo ah Marianne VECCHIONE ayaa waxaa ay habeenkii xalay aheyd  magaalada Hargeysa ka shaacisay in ay Somaliland u timid laba hawlood oo mutadawac nimo ah kuwaas oo kala In ay magaalada Hargeysa ka furto Kaniisad ay ku cibaadeystaan dadka aamisan Mad-habta kaatoliga , oo ay xukuumadu u ogolaatey isla markaana ay iminka ka furtay.

” Asalkeygii hore waxaa aan Somaliland u yimid Hawl mutadacnimo ah taas oo ah kaniisada cusub ee Kaatoliga oo dib looga furay magaalada Hargeysa  taas oo xidheyn muddo 30 sanadood ah ” ayey  tidhi

Sidoo kale Haweynaydan ajaanibka ah ayaa sheegtay in dawladu ay u ogolaatey in ay kaniisadaas Hargeysa ka furtaan

” Dawlada ayaa xaqiiqsatey in dal nimadooda ay mihiim u tahay in Kiristaanka loo ogolaado meel ay wax ku caabudaan , Sidoo kale dawladu waxaa ay noo ogolaatey in aanu dib u soo laabano oo aanu dib u furno xarun kaniisad ah ” ayey ku sii dartay.

Dhinaca kale haweenaydani waxaa ay intaasi ku sii dartay  in ka dib markii ay dhameysay dhisitaanka kiniisadaasi ay iminka si mutadawac nimo ah ay uga hawl gasho isbitaal Jamacadeed oo Hargeysa ku yaala maadama oo ay shahaadada labaad ee Master-ta  ay ka diyaarisay arimaha caafimaadka.

Halkay ku taallaa Kiniisaddu?

Dhismaha Kiniisadda Diinta Maseexiga ee Mad-habta Catholic-gu waxay ku taallaa  ka soo horjeedka Dhismaha Wasaarada Cadaalada ee Magaalada Hargeysa, taasoo dib loo furay kadib markii in muddo ah dayactir iyo casriyeyn lagu samaynayay.

Dhismahan oo la dhisay dhowr qarni ka hor, xilli ku beegan Wakhtigii ay Gumaysteyaasha reer Yurub Qaarada Afrika qabsadeen,kuna qabsan Taliska Ciidanka Asluubta, ayaa dugoobay sanadihii u dambeeyey, kaddib markii uu Dhintay Ninkii Madaxda ka ahaa oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland, balse Diinta Maseexiga haystay.

Kiniisadan ayaa waxa loo sameeyey  Dayr cusub oo seeska laga bilaabay, waxaana la dumiyey Dayrkii hore ee Duugoobay.   Qolalka Dhismuhu ka koobanyahay ayaa laftooda dib u habayn lagu sameeyey, siiba qaybta uu fadhiisto Waddaadka ugu sareeyaa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here