AKHRISO+DAAWO WEEDH-dha Maanta Iyo HUBAAL Media:

0
65

Madaxweyne Siilaanyo Vs Garsooreyaasha Dalka: Waaxyaha Jidhkiyo, Wadnahani Bukanna, Yaa u Kala Warrama!!!! AKHRISO+DAAWO WEEDH-dha Maanta Iyo HUBAAL Media:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maalintii Arbacadii ee ay taariikhdu ahayd 07/05/2014-ka khudbad sannaddeedka dastuuriga ahayd kahor horjeediyey fadhi wadajir ah oo ay yeesheen labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland. Khudbadani oo ah tii afraad ee uu Madaxweynahu u jeediyo Baarlamaanka intii uu xilka hayey ayuu badanka ku soo qaatay arrimo ay xukumaddiisu inta badan ku faanto inay qabatay intii ay jirtay. Haseyeeshee, Madaxweynahu waxaanu ku soo qaadanin khudbaddiisani arrimo badan oo dooddahoogu ay imika dalka ka taagan yihiin sida Madax-bannaanida Garsoorka iyo Saxaafadda, Doorashooyinka la qorsheeyey inay qabsoomaan sannadka 2015-ka oo walaac badani ka jiro, nidaamka dimuqraadiyaddeed ee ay Somaliland qaadatay iyo nidaamkani beelaha ee uu Xisbiga KULMIYE ka badheedhay iyo waxyaabo badan. Sida ku xusan Qodobka 46aad ee dastuurkana arrimahani ayaa ah kuwa ay khudbad-sannadeedka Madaxweynahu ay khusaysaynayso, sababtoo ah qodobku wuxuu xusayaa in khudbadu ay kkhusaynayso xaaladda uu dalku markaasi ku jiro iyo arrimaha taagan.

SiilaanyoSi wanaagsan ayey bulshada iyo asxaabta siyaasadduba uga faalloodeen khudbada Madaxweynaha. Haseyeeshee, arrimaha aan hoos loo eegin laakiin af-kala-qaad ku noqday dadkii ay khuseeyeen waxaa kamid ah mushaharka Garsooreyaasha oo uu Madaxweynahu ku sheegay qadar aan laga filayn inay Garsooreyaashu qaataan oo ah inay Golaha Wasiirada la mushahar yihiin. Qadarkani uu Madaxweynahu ku sheegay mushaharka Garsooraha ayaa khalad ah isla markaana runta ka fog. Arrintaasi oo Garsooreyaashu ay tahli waayeen inay ka hadlaan laakiin ay aad uga xumaadeen. Guddida Caddaaladda oo u dhaxeysa Madaxweynaha iyo Garsooreyaasha ayaan iyaduna waxba u arag kelmaddaasi uu Madaxweynahu kaga been abuurtay Garsooreyaasha oo aan ilaa hadda wax odhaaha ka soo saarin kelmaddani culeyskeeda leh.

Madaxweynahu, isagoo ka hadlayaa waxyaaabaha ay xukumaddiisu soo kordhisay muddadii afarta sanno ahayd ee ay dalka ka talinaysay, wuxuu soo qaatay sida ay u kordhisay mushaharaadka ay bixiso dawladdu, waxaana kamid ah in sannadkii 2010-ka, “Garsoorahu uu qaadanayey 2,097,800 SLSH oo u dhiganta 349.6$, maantana (2014) Garsoorahu wuxuu qaataa 8,100,000 SLSH oo u dhiganta 1,350$”. Waxaa aad u kala fog qadarka uu Madaxweynahu ku sheegay mushaharka Garsooraha iyo qadarka dhabta ah ee mushaharka Garsoorahu uu yahay. Baadhis uu sameeyey Wargeyska HUBAAL ayaanu ku ogaanay in mushaharka iyo gunnada Garsooreyaasha Maxkamaddaha hoose oo ku dhowaad 200 oo Garsoore ahi ay isku yihiin 2,900,000 SLSH oo u dhiganta 414$. Waxaase se jira 5 Garsoore oo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ah oo qaataa lacag ku dhow lacagtaasi uu Madaxweynahu sheegayo. Su’aasha uu qof kastaaba arrintani iska weydiin karo ayaa ah Madaxweynahu miyuu ka xishoon waayey inuu 5 Garsoore mushaharkood ku faano oo uu ku sheego mushaharka Garsoorahu uu qaato, iyadoo ay meesha taalo baahida 200 oo Garsoore?.

Xogta dheeraadka ah ee uu Wargeyska Hubaal helay waxaa kamid ah in marka laga yimaado Garsooreyaasha ka shaqeeya magaaladda Hargeysa gudaheeda, dhammaan Garsooreyaasha kale ee degmooyinka iyo gobollada dalku ay mushaharkooda helaan saddexdii bilood ba hal mar, oo aanay bil kasta mushaharka helin. Sida ay Garsooreyaasha qaarkood noogu warameen waxay dhawr jeer cabashooyin arrinkani khuseeya u gudbiyeen Guddida Caddaaladda iyo Wasaaradda Caddaaladda, waxaanay sheegeen in midkoodna aanu arrintani ka siinin jawaab qancisa. Garsooreyaasha iyo dadka madax-bannaanida Garsoorka u dhaqdhaqaaqa ayaa aad uga soo horjeeda in waaxda fulintu siiba Wasaaradda Caddaaladdu ay maamusho mushaharka Garsooreyaasha iyo miisaaniyadda maxkamaddaha hoose, taasi oo ay sheegeen in aanay ahayn arrin sharci ah oo ay khilaafsan tahay mabaadi’da dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddida Caddaaladda ayaa noqotay guddi xukumadda ka difaacda eeddaha iyo cabashooyinka Garsooreyaasha, iyadoo aan Garsooreyaasha u ogolayn inay wax cabasho ah muujiyaan. Sidoo kale, Garsoore aanu khadka tilifoonka wax kaga weydiinay arrintani ayaa si qiireysan u yidhi “Wasiirka Caddaaladdu Garsooreyaasha wuxuu u arkaa inay lamid yihiin shaqaalaha dawladda ee hay’adda shaqaalaha dawladdu ay maamusho, oo waad aragteenoo wuxuu ku dooddaa ‘Garsooreyaashu waa shaqaalaha dawladda kuwa ugu mushahar badan, iyaga, goor dambe mooyaane imika waxba loo kordhin maayo’. Guddida Caddaaladdana waxaa ku jira afar difaac oo xukumadda u daacad ah oo kaga filan cabashooyinka iyo eeddaha Garsooreyaasha”. Waxaanu Garsoorahani ku kaftamay “Dee Garsooreyaasha badankooguna waxaabay u haystaan in furaha arsaaqdooda ay hayso Guddida Caddaaladdu”. Waxaa jira Garsooreyaal tiro yar oo iyagu si cad wax uga yidhaahda tabashooyinka Garsoorka. Waxaana iska cad in dhibta Garsoorka haysataa ay tahay madax-bannaani la’aanta ay xubnaha Garsoorku og yihiin in marka la doono sabab la’aan shaqada looga saari karo ama in lagu qaadi karo anshax-marin kale oo aan sabab lahayn.

 Ugu dambeyn, waxaa aad u kala fog faanka Madaxweynaha ee aanay waxba ka jirin iyo daryeel la’aanta iyo baahida haysa Garsooreyaasha dalka. Arrintani ayuu sawirkeedu yahay u dhigan yahay sida heestii caanka ahayd ee ay ku luuqayn jirtay Fannaanada weyn ee Faadumo Axmed Dhimbiil oo ay ku jiraan ereyadani

“Werwer ruux qaboo,

wacdaraha dhaciyo,

waayahu hayaan ,

Kan wanaagsannee,

wakhti raaxo lahiyo

nolol wacan ku jira ,

Yaa u kala warrama!!!”

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here