Allaybaday: Ciidanka Liyuu Booliska Oo Toogasho Ku Diley Afar Qof Oo Shacab Ah

0
21

Afar Qof Oo Uu Ku Jiro Wiil Hadda Uun Kasoo Qalinjebiyay Jaamacad Dalka Dibediisa Ah  Oo Ku Geeriyooday Rasaasta Ciidanka Liyuu Booliska Ee DDSI  Shicib Ah Oo

Allaybaday (Hubaal) Ciidamada Liyuu boolis ee dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa toogasho ku dilay Saddex nin gelinkii hore ee maanta magaalada Allaybaday

Ciidankan ayaa kasoo galay xuduudka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya ee ku taalla Allaybaday, kadibna waxay usoo dhaafeen dhinaca Somaliland.

Lama garanayo sababta uu ciidankaasi usoo galay magaalada Allaybaday iyo sababta ay rasaasta ugu fureen dadka.

Dadka geeriyooday ayaa waxa ku jira wiil dhallinyaro ah oo ay haleeshay rasaasta ciidankaasi ridayay, wiilkaasi oo lagu magacaabo Naasir Cabdi Aadan, sida uu HUBAAL u xaqiijiyey guddoomiye-ku-xigeenka degmada 26-juun ee xisbiga Kulmiye, Muxiyadiin Cabdi Shiil, oo abti u ahaa marxuumkaas.

Guddoomiye Muxiyadiin Shiil ayaa hubaal u sheegay, in dhaawaca wiilka uu abtiga u ahaa loola soo cararay dhinaca magaalada Hargeysa oo uu markii dambena u geeriyooday. Wiilkan ayaa dhawaan kasoo qalinjebiyay jaamacad dalka dibediisa oo waxbarasho ugu maqnaa, sida uu sheegay Abtigii, Muxiyadiin Cabdi Shiil

Ciidankan ayaa la sheegay inay magaalada soo galeen gelinkii hore ee maanta ilaa haddana ay ku sugan yihiin.

Ciidanka Somaliland ee ku sugan xuduudka ay labada dal wadaagaan ee ku yaalla Allaybaday, ayaan ka badnayn afar askari, maadaama aanay wax iska caabin la kulmin ciidanka Liyuuga ee soo galay.

Sida Hubaal loo xaqiijiyey, waxa weli socota rasaasta ay ridayaan ciidanka Liyuu Booliska ee halkaasi soo galay

SHARE
Article horeDawladda oo La-wareegtay Adeegyada Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka Iyo Bilaydh-numberka Oo Hore Shirkadi Gacanta Ku Haysay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here