“…..Anigu waan ka dhawahay qoladii halkan ka hadashay….Xaaska Siilaanyo dee xil looma dhiiban Jaraa’idku markay caayayaan?”

0
82

Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga talada haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa Masuuliyiinta Muxaafidka ah ee Xuskii saxaafadda adduunka ka hadlay, ayaa isaguna si adag ugu jawaabay Siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee halkaa ka hadlay. “Xaaska Siilaanyo dee xil looma dhiiban marka Kaahinwax laga qrayo..Jaraa’idku markay Xaaska Siilaanyo caayayaan yaa ka hadlaya? Madashaannu halkan wada fadhinaa, Maxamed Xaashi baa halkan fadhiya, shalayto dawladduu ahaa, Wasiirka Maaliyadduu ahaa, haddii maalintuu Wasiir ka yahayna ay dawladdu wada Malab tahay, maalintuu ka baxana ay wada Xun tahay maxaa laga yeelayaa? Saaxiibkay Boobe shalayto Wasiirka Warfaafinta ayuu ahaa, Su’aalaadka maanta taagan ee Saxaafaddu maalintii uu Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) Wasiirka ka ahaana way taagnaayeen ee ma maalintii Cabdillaahi-Cukuse noqday ayey wada xumaanayaan?”
Maxamed Kaahin waxa uu soo jeediyey inay muhiim tahay in Ururka Saxaafadda ee SOLJA, Masuuliyiinta Hubaal iyo Haatuf iyo dhinacyada kale ee ay khusaysaa arrintaa ka wadahadleen, isla markaana si masuuliyad leh ay dhinacyada wax kala tirsanayaa isu qanciyaan. “Anigu waan ka dhawahay qoladii halkan ka hadashay ee tidhi; ‘Maxkamadaha si toosa halloo geeyo, waan ka duwanahay oo waxaan qabaa in wadahadal wax lagu dhammeeyo (arrinta Wargeysyada Xukuumaddu xidhay).” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here