Baanka Dhexe Oo Fasaxay Isticamaalka Lacag Uu Hore U Hakiyay

0
1

Baanka Dhexe ayaa Shaaca Ka Qaaday In La Ogolaaday Isticamaalka Lacagta 50$ Dollar Oo Baanku Hore U Hakiyay

Hargeysa Hubaal) – Baanka dhexe ee Somaliland ayaa daboolka ka qaaday in la fasaxay isticimaalka Lacagta Kontonka dollar ee Maraykanka ee aan been abuurka ahayn oo hore baanka dhexe u hakiyey. War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha baanka dhexe ee JSL Caali Ibraahin Jaamac Baqdaadi, ayaa u dhignaa sidan;-

“Baanka Dhexe ee JSL waxa uu hore u hakiyey isticmaalka Noodhadhka kontonka Doolar, markii ay noo caddaatay in ay suuqyada JSL soo galeen noodhadh been-abuur ah, oo aanay qabanayn mashiinnada aqoonsada lacagta been-abuurka ah.

Haddaba, xog ururin iyo xog-warran aanu ka helnay Baananka iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee waawayn ee dalka ka hawl-gala, waxay noo sheegeen in ay keeneen Mashiino Casri ah oo lagu aqoonsan karo lacagta macmalka ah.

Sidaa awgeed, waxa uu Baanka Dhexe ee JSL ogaysiinayaa Baananka, Sarriflayaasha, Hay’adaha Maalayadeed iyo guud ahaan Bulsho-waynta Somaliland, in uu Baanka Dhexe fasaxay isticmaalka noodhadhka lacagta 50 doolar ah ee aan been-abuurka ahayn.

Ugu dambayn war saxaafadeedkan ka soo baxay baanka dhexe ee JSL waxa kale oo lagu yidhi:-

“Waxa aanu Bulshada ku war-gelinaynaa in Baanka Dhexe ee JSL uu masuul ka yahay Daabacaadda, Kaydinta, Daryeelka, Wareejinta iyo Beddelka Shillinka Somaliland oo qudha, balse aanu masuul ka ahayn beddelaadda doolarka Maraykanka iyo lacagaha qalaad ee kale.”

SHARE
Article horeWefti Uu Hoggaaminayo Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Lagu Soo Dhaweeyay Degaanno Ka Tirsan Gobolka Sool
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here