“Cabdiraxmaan Cirro Wuxuu Ka Hadlay Taiwan, Taiwan Arrinteeduna Arrin Xamar Ka Timi Ayey U Egtahay”

0
1

Faysal Cali-waraabe Oo Ku Eedeeyey Murashax Cirro In Dawladda Soomaaliya Ku Shaqaysanayso

Hargeysa – (Hubaal) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Jamhuuriyadda Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku eedeeyey musharaxa madaxweynaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro) in Xamar looga soo dhiibay hadalkii uu dhowaan ku sheegay in xidhiidhka China ka muhiimsan yahay ka Somaliland la yeelatay Taiwan.

Guddoomiyaha UCID oo warbaahinta la hadlay maanta,  ayaa ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay Cirro inuu ahaa shirqool maamulka Muqdisho soo maleegay, isagoo sheegay in Xamar ku mashquulsan tahay daminta iftiin kasta oo Somaliland u soo kordha.

“Maalintii dhowayd Cabdiraxmaan Cirro wuxuu ka hadlay Taiwan. Taiwan arrinteedu arrin Xamar ka timi ayey u egtahay, waayo Xamar iftiinkii inoo baxaba in ay innaga bakhtiiso ayey doonaysaa, innaga ayeyna ina isticmaalaysaa,” ayuu yidhi.

Waxa uu xusay in Somaliland ay u siman yihiin Jamhuuriyadda China iyo Taiwan, isla markaana soo dhawaynayaan inay xidhiidh Somaliland la yeelato labada dhinacba. “China iyo Taiwan labadaba waynu u furannahay,” ayuu yidhi Faysal.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here