Cadawga Qarsoon Xididada Ha Loo Siibo!

0
3

Faalo: Xuseen Cali Nuur.

Noocyada dagaaladu way badan yihiin; hase ahaatee waxa loo qaybiyaa laba nooc oo ah mid qarsoon iyo mid muuqda. Dagaalka muuqda waa laga gaashaamaan karaa, la waajihi karaa, wuxuuna leeyahay dhammaad iyo xal.

 

Dagaalka qarsoon waa mid xeeladihiisa iyo tabihiisu ay ka baaxad iyo waxyeelo badan yihiin dagaalka muuqda. Waa dagaal cadowgu u adeegsan karo dad muwaadiniin ah oo dalka ay weerarka ku hayaan u dhashay.

 

Dagaalka qarsoon dadka la safta cadowgu waa qaar qadar lacag ah oo ay ka helayaan ka door bida diintooda, dhibta ay u gaysanayaan qoys iyo qaraabo, tol iyo xidid, daris iyo xidid iyo dhaqanba.

 

Ciidamada iyo danayeeyayaasha dagaalka qarsooni waa kuwa ku xad-gudba shareecada iyo sharciga; waana kuwo mustaqbalka da’da yar iyo dhallinyarada if iyo aakhiro seejiya. Hoggaamiyayaasha dagaalka qarsoonina waa kuwa ka ganacsada maandooriyayaasha kala duwan oo ay xashiishaddu ka mid tahay iyo khamriga.

 

Ciidamada Qaranka oo uu ugu horeeyo Booliska oo sannad-guuradii aasaaskiisa ee 28-aad u dabbaal-degay maanta (03 November 2021), waxay toddobaadyadan shacbiga u soo bandhigayeen Xashiishad iyo khamri ay gobollada dalka badan kooda ay ka qabteen. Goobaha xashiishadda ay ku qabteen meel ka mid ah cadowgaa qarsooni hub daran doori u dhacaya ayuu kula dagaalamay ciidamada dalka.

 

Tirada quruuradaha khamriga kunka wuu dhaafsan yahay, Beerna xashiishadda lagu qabtay culayskeedu wuxuu ahaa Toban kiiloo.

 

Xaddiga khamriga iyo xashiishadda la qabanayaa waay muujinayaan in cadowga jiritaanka Somaliland weerarka qarsoon ee ay wadaan uu dhallinyarada jidh iyo maskax waxyeelo aanay ka soo waaqsan karin u gaysanayaan, isla mar ahaantaana waxa muuqata hoggaamiyayaashaa dagaalka qarsoon hoggaaminaya inay dalka ku fidiyaan.

 

Ciidamada Qaranka, gaar ahaanna bilayska ammaan ayey inaga mudan yihiin. Waxayse u baahan yihiin in shacbiwaynuhu la safto, gacanna ku siiyo, dagaalka ay kula jiraan weerarada joogtada ah ee dhallinyaradeena lagu hayo.

 

Bishii Octoobar 24keedii waxa dalka Kolombiya lagu qabtay Hoggaamiye caalami ah oo ka ganacsada maandooriyayaasha oo la yidhaahdo, DAA’IIRO ANTONIYO USUGA.   Qabashada hoggaamiyahan waxa wada jir uga qaybgalay dalka Marakyanka iyo Kolombiya. Waxay adeegsadeen shan boqol oo askari iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.

 

Waxaan leeyahay waayo-aragnimo waxa noogu filan, si loo ogaado waxyeelada maandooriyuhu leeyahay dhibaatada caafimaad, dhaqan, bulsho iyo nabadgalyo la’aanta ay ku hayaan dalalka Kolombiya, Miksiko iyo gobolo ka mid ah dalka Maraykanka.

 

Waxay ila tahay xeerarka u yaalla dalalka lagu qabto ganacsadayaasha maandooriyayaasha in lagu xukumo xabsi u dhexeeya afar sanno illaa shan iyo labaatan sanno.

 

Dalalka Islaamka qaar ka mid ahna xukunkooda wuxuu gaadhaa xabsi daa’im ah illaa dil. Waxaan leeyahay “WADA JIR BAY GACMO WAX KU GOOYAANE; AAN XIDIDA U SIIBNO CADOWGA QARSOON INTAANU FARAARO IYO QODAX YEELLAN”

 

Waxa qoray Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here