Ciidamada Sirdoonka Somaliland Oo Xasbiga U Taxaabay Wariyihii Baligubadle Media

0
831

Ma jiro war faahfaahsan oo arrintaasi ku saabsan, laakiin afhayeenka Madaxtooyada oo warkaas lagu baahiyay Baligubadle Media ka hadlayay

Hargeysa (Hubaal/HWN) – Ciidamada Sirdoonka ee Somaliland ayaa goor dhaweyd xabsiga u taxaabay Tifaftirihii Shabakada Baligubadle Media  Axmed Aadan Rooble.

wariye baligubadle

Sirdoonka ayaa shalay u yeedhay Wariyaha si ay wax uga waydiiyaan war ku saabsan Xaalada Caafimaad ee Madaxweynaha Somaliland oo uu baahiyay.

Sida ay dad goob joogeyaal ahi u xaqiijiyeen Hadhwanaagnews ciidamada Sirdoonka oo watay kuwo boolis ah ayaa wariyaha ka qabtay Cusbitaalka Edna Maternity agtiisa, waxaana lagu soo waramayaa in xabsiga loo dhaadhiciyay.

Ma jiro war faahfaahsan oo arrintaasi ku saabsan, laakiin afhayeenka Madaxtooyada oo warkaas lagu baahiyay Baligubadle Media ka hadlayay ayaa sheegay in aanay ka hadhi doonin isla markaana ay cadaalada horkeeni doonaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland oo laba habeen ka hor ka hadlayay munaasibad afur sharafeed ah oo ay u sameeyeen dadka reer Somaliland ee Magaaladda London ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay isla markaana aanay waxba ka jirin wararka lagu baahiyay Baligubadle Media.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here