DAAWO SAWIRRADA+AKHRI Agaasimaha Guud ee WW&S oo Ardayda Dugsiga Gacmadheere u qaybiyay Buugaagta Manhajka

0
3

Agaasimaha Guud ee WW&S oo Ardayda Dugsiga Gacmadheere u qaybiyay Buugaagta Manhajka

 

Hargeysa,   (WW&S) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Md. Axmed Abokor Maxamed ayaa maanta Buugaagta manhajka ee daabacan u qaybiyay ardayda dugsiga hoose-dhexe ee Gacmadheere ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi uu shalay si rasmi ah u daahfuray mashruuca qaybinta buugta lacag-la’aanta ah ee dugsiyada dawladda.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md. Axmed Abokor waxa uu ardayda dugsiga hoose-dhexe ee Gacmadheere kula dardaarmay in ay ilaashadaan buugtaas oo ay daryeelaan, kuna dedaalaan in ay sida ugu habboon uga faa’iidaystaan, maadaama ay buugtani tahay hanti qaran oo ay muhiim tahay in jiilba jiil ka dhaxlo.

Mashruuca qaybinta buugaagta manhajka ee lacag-la’aanta ah ayaa socon doona muddooyinka soo socda, iyada oo ay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL gaadhsiin doonto dhammaan ardayda dugsiyada hoose-dhexe ee dawliga ah ee dalka, dugsi kasta, degmo kasta iyo gobol kasta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here