Dadka Reer Kenya Ee Dunida Ka Caawiya Qishka Waxbarashada

0
4

Haddii ardey ku sugan London ama New York uu Online-ka raadiyo qof u sameeya imtixaamka jaamacadda ama loo soo diro sahqo guri waxaa suurtagal ah in qof u sameeyo arrintaas uu ka helo Kenya, BBC-da ayaa u kuurgashay xaaladda qoraayaasha ardeyda dibadda ka caawiya in imtixaamka ay qishaan.

Kennedy wuxuu ahaan jiray macalin balse shanti sano ee la soo dhaafay wuxuu ku gudo jiray in dadka uu ka caawiyo wax qoridda.

Wuxuu qeyb ka yahay xirfad caalami ah oo si weyn ugu bulaashay Kenya , Kennedy iyo saaxibadiisa waxay shaqadan ugu yeeraan ‘Akadeemiyadda wax qoridda’ halka dunida inteeda kale looga yaqaanno ‘qish.

Haddii ardaygu ay dhibto in uu ka shaqeeyo su’aalihii loo soo diray, Kennedy iyo kooxdiisa ayaa diyaar ah inay u sameeyaan iyagoo ka qaadanaya lacag.

Dadka ay u sameeyaan arrintani waxay iska dhigaan in iyaga ay kasoo shaqeysteen imtixaamkii loo diray, sidaas ayay jaamacadda ugu gudbiyaan.

Ardeyda dooneyso in wax loo qisho waxay Online kala socon karaan website lagu magacaabo “essay mill” kaas ay ku arki karaan sawirrada shakhsiyaadka wax u qashayo ee lacag raadiska ah, waxaa ka muuqdaa sawirro dad caddaan ah si ay ugu khiyaanaan ardeyda in su’aalihii ama imitixaamkii ay ka shaqeyanayaan dad ku sugan waddamada Reer Galbeedka.

Lacagta uu qofka bixinayo ayay ku xiran tahay shaqada loo qabanayo haddii uu yahay imtixaamka jaamacadda ee qofka kaga soo shaqeynayo cilmi baarista sida midda PHD-ga.

 

Cilimi baarayaasha la socda ganacsiga noocan ah ayaa ku tilmaama “Qanddaraas qish ah”, waxay leeyihiin Kenya waa xarunta muhiimka ah marka ay timaaddo arrintani, sababtana waxay tahay, Kenya waxay ka mid tahay dalalka looga hadlo luqadda Ingiriisiga, nidaamka waxbarashada dalkana waa mid tayo leh oo aad u sareysa.

Dhalinyarada ku sugan dalkan ee saboolka ee wax bartay waxay raadinayaan fursado dhaqaale.

“Dhaqaalihii i soo geli jiray markii aan macalinka ahaa wuxuu ahaa mid yar marka loo barbardhigo waxa i soo gala haatan” ayuu yiri Kennedy.

Macalinkan 30 jirka ah wuxuu bil kasta sameeyaa celcelis ahaan $1360 oo doolar.

Wuxuu sheegay in bil kasta uu sameeyo ilaa 200 oo imtixaam kala duwan oo ay ardeyda usoo dirsadaan si uu lacag uga sameeyo.

Kennedy, wuxuu dareemayaa in ardey badan uu caawinayo balse dhinaca kale uu waxyeelleyn u geysanayo tayada waxbarshada caalamka.

Wuxuu sheegay in ganacsigan noocan ah uu nolosha ku maareynayo isaga oo og inaysan sax ahayn.

David wuxuu kamid yahay ardeyda jaamacadaha ka dhigta Kenya ee lacagta waxbarashada isaga bixiyo qaabka noocan ah isaga oo ardeyda wax u qisha.

Labadii sano ee lasoo dhaafay David wuxuu dad ku kala sugnaa Mareykanka iyo Ingiriiska ka caawiyay ilaa 360 imtixaam.

Wuxuu maalintii ka shaqeeyaa ilaa 15 bog, boggiina wuxuuna ku qaataa $2.28 oo doolar.

“Waxaa laga yaabaa in aan shaqeeyo Isniin ilaa Jimco balse Sabti iyo Axaddii waxaan diiradda saaraa waxbarashadeyda jaamacadda” ayuu yiri David.

David waxaa shaqaaleysiiyay qof kale oo ka khibrad badan oo ku dhex jira howshan kaas oo akoon ku leh website-ka Mill ee ardeyda wax u qisha.

Dr Gladys Nyachieo, oo cilimiga bulshada ka dhigta jaamacadda Multimedia ee ku taalla Nairobi ayaa waxay rumeysan tahay in sababta ka dambeysay in uu sare u kaca qishka noocan ay tahay in ardeyda kasoo jeeda dalalka hodanka ah ay waalidiintooda dhaqaale leeyihiin kuwaas ay yihiin macaamiisha ay raggan ku xisaabtamaan.

Sanadkii la soo dhaafay dalalka qaar waxay qaadeen tallaabooyin wax looga qabanayo qishka dhanka Online-ka ah ee ardeyda ay ku bixiyaan dhaqaalaha, dalka Australia wuxuu sanadkii lasoo dhaafay joojiyay adeegyada ku saabsan in dadka laga caawiyo imtixaamka ama su’aalaha loo soo dhiibay ee imitixaamka, Sidoo kale Ingiriiska ayaa ka baaraan degaya dhaqangelinta sharci noocaas ah.

 

Ma kala cadda sida ay ku dhaqangeli doonaan tallaabooyinka la doonayo in looga hortaggo ganacsi mar horeba ku baahay dunida.

Xigasho: BBC

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here