Dalka Qatar Oo Ku Guuleystay Koobka Qaramada Asia, xulka Japan Oo Yaabay Iyo Almoez Ali Oo Taariikh Cusub Dhigay

0
2

Hargeysa (Hubaal) Xulka qaranka martigelin doona Koobka Adduunka 2022 ee Qatar ayaa ku guuleystay koobka qaramada qaaradda Asia, kaddib markii ay 3-1 ku garaaceen Japan oo ay iskugu soo hadheen finalka. Weeraryahanka Almoez Ali ayaa rikoodh cusub ka dhigay tartanka Asia, waxaana uu noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee goolashii ugu badnaa ka dhaliya hal tartan, isaga oo shabaqa taabsiiyey 9 gool intii uu socday tartanku.

Goolka koowaad ayaa waxa Qatar u dhaliyey Almoez Ali, waxaana qaybta hore mid labaar ugu daray Abdulaziz Hatem ka hor intii aanu qaybta labaad xiddiga Takumi Minamino aanu dalka Japan u dhalinin gool uu ka toogtay masaafo 20 yard ah.

Qatar oo qaybta dambe si weyn looga awood badnaa ayaa waxay heshay gool saddexaad oo rikoodhe ahaa, kaddib markii ay kubaddu gacanta kaga dhacday difaacyahanka Yaya Yoshida oo isku dayayey inuu madax ku difaaco koorne lasoo laaday, hase yeeshee garsooraha oo arki waayey ayaa adeegsaday qalbka VAR.

Waxa rikoodhahaas gool u beddelay Akram Alif, waxaana uu ciyaartoygani sameeyey taariikh cusub, maadaama intii uu tartanku socday uu dhaliyey hal gool, 10 kalena caawiye ka noqday, taas oo ka dhigan in toddobadii ciyaarood ee waddankiisu yeeshay uu mid walba sameeyey hal caawin iyo ka badan.

Si kastaba ha ahaatee, waddanka Qatar ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay koobka Qaramada Asia, waxaana u raacda in Almoez Ali uu jabiyey rikoodhkii siddeedda gool ahaa ee uu dhigay halyeygii reer Iran ee Ali Daei , isla markaana uu isagu dhigtay mid cusub oo sagaal gool iyo hal tartan oo kaliya ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here