Dawlada Soomaaliya Oo Magacawday Safiirro Aan La Sheegin Wadammada Ay Ka Hawl Gali Doonaan

0
2

Muqdisho(Hubaal):-Dawlada soomaaliya ayaa magacawday  sadex safiir oo aan la sheegin wadamada ay ka hawl gali doonaan. Golaha wasiirrada ee Somalia ayaa kulankoodii todobaadlaha ahaa ee khamiis ku ansixiyey safiirro la magacaabay kuwaas oo kala ah; Maxamuud Axmed Tarsan oo hore uga mid ahaa la taliyeyaasha madaxweyne Farmaajo, Cabdirisaaq Shoole oo agaasime ku xigeen ka soo noqday madaxtooyada iyo Cabdilaahi Maxamuud Odowaa.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa soo jeediyay magacaabida saddex Safiir, iyadoo Golaha Wasiirada ay meel mariyeen. Safiiradan ayaa ugu danbeyntii la sheegay in dalalka loo magacaabay lagu soo saari doono Digreeto madaxweyne.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here