Dawladda Somaliland Iyo Midowga Yurub Oo Markab Dushii Ku Wadahadlay, Maxayse Ka Wadahadleen?

0
4

Madaxweyne Ku Xigeenka  Somaliland  Iyo Xubno Wasiirro Ah Ayaa Khamiistii Markab Kamida Kuwa Ilaalada Xeebaha Oo Ay Leeyihiin Midowga Yurub  Dushii Kullan Kula Yeeshay Safiirka  Midowga Yurub

Berbera (Hubaal)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  iyo qaar kamida Golaha Wasiirada ayaa khamiistii kormeer iyo booqasho ugu tegay Markab kamida kuwa Ilaalada Xeebaha oo ay leeyihiin Midowga Yurub, waxaana uu halkaasi Shir kula yeeshay Safiirka Midowga Yurub iyo Admiral kii  Markabkaasi waday oo uu Madaxweyne ku xigeenku ka dhegaystay Warbixin la xidhiidha Ilaalada Xeebaha siday uga hawl galaan ka midow yurub ahaan.

Madaxweyne ku xigeenka JSL waxaa ku wehelinaayey Shirkaasi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdirashiid Xaaji Ducaale (Qanbi) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi) Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane).

Shirkan ayaa muddadii uu socday waxa lagaga hadlay Xaalada nabadgelyo ee biyaha Caalamiga ah ee ay ilaaliyaan Midowga Yurub iyo sida ay ula shaqeeyaan Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland, sidoo kalena waxay Somaliland Baddeeda ku ammaaneen siday uga caaggan tahay Budhcad-badeedda iyo argagaxisada, doorkoodana waxay soo bandhigeen hannaanka wada shaqayneed ee u dhaxeeya iyaga iyo Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale booqday Ciidamadii saarnaa markabkaasi sidoo kalena indho indhayn kusoo sameeyey qalabka iyo gaadiidka dagaalka ee markabkaasi saarnaa.

SHARE
Article horeAxmed-Yaasiin Xaaji Abu-Zite: Halyeeygii Sharafta La Hoyday Iyo Dhacdooyinkii Aan Usoo Taagnaa!
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here