Dibed-Baxyo Maalintii Labaad Ka Dhacaya Dalka Jabuuti

0
1

Hargeysa (Hubaal) Dowladda Jibuuti ayaa la sheegay inay xabsiga dhigtay dhowr qof oo dumar u badan kuwaas oo ka muddaaharaadayay xadhigga duuliye hore uga tirsanaa ciiidammada cirka dalkaasi, Fu’aad Yuusuf Cali oo intuu gadooday dib loo soo qabtay. Muuqaal la sheegay inuu ka soo duubay gudaha xabsiga ayaa qabsaday baraha bulshada maalmihii u dambeeyey. Askerigan gadooday ayaa sheegay inuu ka baxsaday waxa uu ugu yeedhay “caddaalad darro ka jirta ciidanka dhexdiisa.” Qoyskiisa ayaa sheegay inuu Itoobiya weydiistay magangalyo balse muuqaalkan uu ka soo duubay xabsi ku yaalla gudaha Jibuuti ayaa dhaliyay caro ballaaran.

Qoyska duuliyaha xiran ayaa BBC-da u sheegay in dadka la xiray xaley ay ku jirtay gabar 16 sano jir ah oo uu dhalay duuliyaha iyo seddax gabdhood oo uu abti u yahay. Lama ogo sababta loo xidhay gabdhahan iyo meesha lagu haya toona, dowladda Jibuutina waxa war ah kama soo saarin arrimaha socda oo dhan. Muuqaallo la sheegay inay yihiin dibadbaxyadii shalay dhacay ayaa la soo dhigay baraha bulshada jimcihii shalay.

Barabaha Bulshada, waxa sidoo kale qabsaday dhambaalo lagu dhaleecaynayo xaalada Askarigan, waxaanay dadka soomaalidu aad uga hadleen dhibaatada loo geystay. Sarkaalka xidhan xaaskiisa oo la hadashay Telefishanka ayaa bulshada Soomaalida uga mahad-celisay falcelinta ay ka sameeyeen xaalada Ninkeeda. Waxa ay sheegtay in waxa lagu sameeyey uu yahay wax laga dhiidhiiyo oo aan loo dulqaadan karin. Haweenayda ayaa intaasi ku dartay in maalintii shalay Ciidamada dalka Djibouti dhibaatooyin u geysteen ubadka ay dhashay “shalay Inan yar oo guriga hortiisa joogta ayey ciidanku si xun oo cadaalad darro ah u dileen oo iminka guriga jiifta”ayey u sheegtay Telefishanka Horn cable. Haweenay kale oo sida la sheegay ka tirsanayd Ciidanka, ayaa baraha bulshada lagu baahiyey muuqaal ay soo duubtay oo ay ku sheegtay in ay dhigtay dirayskii Ciidanka. Deeqa Gaydh oo kamid ahayd fanaaniinta Ciidamada, ayaa sheegtay in ay talaabadan ku keliftay cadaalad darrada lagu sameeyey sarkaalka Ciidanka.

dhinaca kale, Gobolka Cali Sabiix waxaa maanta salaadda Jimcaha ka dib ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeda xadhiga Duuliyaha Ciidan ee xidhan. Muddaaharadayaal cadhaysan ayaa taayeero ku gubay waddooyinka iyagoo dalbanaya in la sii daaya Fu’aad Yuusuf Cali oo horay u ahaa duuliye ka tirsan ciidammada cirka ee Jibuuti. Muddaaharaadyo noocan oo kale ah ayaa shalay ka dhacay magaalada Jibuuti iyadoo dowladda ay xabsiga dhigtay dhowr qof. Wasiirka arrimaha gudaha ee Dalka Jibuuti, Muumin Axmed Sheekh ayaa u digay dibadbaxayaasha. “Nin kasta oo sharciga ku-xad-gubana waa la soo qaban doonaa oo sharciga ayaa lala tiigsan doonaa. Marka dadku ha ogaadaan, meeshan waa waddan sharci leh, nidaamka ninkii ku xadgubana isagaa yaqaanna” ayuu yidhi Muumin sida lagu baahiyey bogga Soomaaliga ee BBC-da. Wasiirka kama aanu hadlin arrinta kicisay dibedbaxyada ee xadhiga Fu’aad Yuusuf Cali. Si kastaba ha ahaatee, dhacdooyinka la soo wariyey ee ka socda gudaha djibouti waxa ay sawir kooban ka bixinayaan xaalada wadan xidh-xidhan oo aanay xoriyada qowlka iyo dibad-baxayaasha salmiga ahi suurtogal ka ahayn.

SHARE
Article horeXukuumadda Somaliland Oo Soo Afjartay Jabhad la baxday XAQDOON oo Dhawaan Gashay Buuraha Sanaag
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here