Dowladda Soomaaliya Maxay Ka Tidhi Hadalkii Kululaa Ee Ka Soo Baxay Midowga Africa?

0
3

Muqdisho (Hubaal/BBC) Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso ergayga la filayo in Midowga Afrika u soo magacaabayo dhexdhaxaadinta dhinacyada Soomaaliya, balse waxay si adag u diiday qodobo kamid ahaa bayaankii Midowga Afrika ka soo saaray xaaladda cakiran ee khilaafka doorashada Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen in ay diidan yihiin muddo kordhinta loo sameeyay hay’adaha dawladda Federaalka.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya oo shir jar’aaid ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in aanu jirin ururo cambaareyn kara go’aan baarlamaan dal madax bannaan.

“Ma jiro urur caalami ah ama urur goballeed oo sharciyan cambaareyn kara go’aan baarlmaan dal madax bannaan arrintaas waxaan u sheegaynaa in aaney ahayn sharci dowladda federaalka Soomaaliyana ma soo dhaweynayso” ayuu yidhi wasiir Dubbe.

Iyadoo Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ay dhawaan war ka soo saareen xaaladda Soomaaliya isla markaana qodobbada la soo saaray uu ku jiray qodob sheegaya in ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada ammaanka Soomaaliya,ayaa arrintaasi wuxuu wasiir Dubbe ku tilmaamay mid niyad jab ku ah dolwadda Soomaaliya.

“Ciidaamada Amisom in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waa arin runtii la yaableh! arrinkaasi kow waa sharci darro marka labaadna wuxuu si cad uga hor imaanaya waajibaadka shaqo ee Amisom” ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe.

Mr Dubbe ayaa tilmaamay in qodobkaan la xiriira la socodka dhaq-dhaqaaqa ciidamada Soomaaliya ee ka soo baxay Midowga Afrika uu yahay qodob sidoo kale ka hor imaanaya qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay (2568) ee soo baxay 12 -bishii Maarso 2021.Sidoo kale wasiirku wuxuu sheegay inuu ka hor imaanayo qorshaha Soomaaliya ee mas’uuliyad kala wareegidda ciidamada Amisom.

“Qodobkaas uu soo jeediyay golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika wuxuu taageero iyo hiil u noqonayaa culeyskana ka qaadi karaa ururda argagixisada ah ee ciidamad qalbka sida ee Soomaaliyeed habeen iyo maalin dagaalka kula jiraan” ayuu Mr Dubbe.

Dowladda Soomaaliya oo mar kale eedeyn u jeedisay Jabuuti iyo Kenya.

Wasiirka warfaafinta dowaladda Soomaaliya ayaa ku eedeyay dalalka Jabuuti iyo Kenya in ay ka dambeeyeen soo saarista warkaan ka soo baxay Golaha Ammaanka iyo Nabdda ee Midowga Afrika, isla markaana ay dadaal badan ku bixiyeen.Wuxuu sheegay in Kenya aysan la yaabaneyn maadama ay isku hayaan kiiska badda balse waxaa uu yidhi” waxa layaabka leh waxaa weeye dowladda Jabuuti oo wali ku taagan jidkii aan uga digay afar bilood ka hor”.

Qoraalkii uu Midowga Afrika ka soo arrimaha Soomaaliya

Golaha nabadda iyo ammaanka Midowga Afrika ayaa kulan ay ka yeesheen arrimaha Soomaaliya waxaa ay ka soo saareen war-murtiyeed ay ku qeexayaan mowqifkooda doorashada Soomaliya.

War-murtiyeedka oo ka koobnaa 14 qodob ayaa waxay midowga Afrika cambaareeyeen go’aankii Golaha Shacabka ay muddada kordhinta ugu sameeyeen madaxwayne Farmaajo.

“Waxaan walaac qoto dheer ka qabnaa tallaabadii halka dhinac ahayd ee Golaha Shacabka Soomaaliya uu ku dhaqaaqay 12kii Abriil 2021, kaasoo meesha ka saaraysa heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 ee qaababka loo marayo qabashada doorashooyinka Soomaaliya”ayaa lagu yidhi bayaanka.

Golaha nabadda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa waxay sidoo kale ku baaqeen in la magacaabo ergay gaar ah oo ka socda midowga Afrika islamarkana dhinacyada Soomaalida ka caawiya sidii heshiis looga gaari lahaa ismari-waaga ka taagan doorashooyiinka.

Ergayga ayay golahu waxay ku booriyeen in muudo 4 toddobaad gudahood ah uu ugu soo gudbiyo guulaha laga gaaro qabashada doorashooyiinka Soomaaliya.

“Sidaas awgeed waxaan ka codsanaynaa Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu si deg deg ah ugu magacaabo una diro Soomaaliya, ergay gaar ah, si uu ula shaqeeyo dhinacyada iyo daneeyayaasha kale ee ay khuseyso, si loo gaaro heshiis wadar-oggol ah, iyo in muddo 4 toodobaad ah uu warbixin ugu soo gudbiyo golaha”ayaa lagu yidhi warmurtiyeedka.

Golaha nabaddda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa sidoo kale ka codsaday in ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM, inta laga cusboonaysiinaayo waajibaadkeeda, ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada ciidamada ammaanka Soomalaiya.

Gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa dhanka kale golahu, waxay ka codsadeen, inuu si deg deg ah u isugu yeero shir loo qabanayo wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya si looga baaraandago saameynta amni ee ay keeni karto ismari-waaga siyaasadeed loogana tashado waddooyinka u furan ee lagu xalin karo ama hoos loogu dhigi karo.

Golaha nabadda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in wadahadalo kasta oo doorashada ku saabsan ay gundhig u noqoto heshiiskii 17 September ay gaareen dowladda fedaraalka iyo maamul goboleedyada.

Midowga Afrika waxay sidoo kale uga digeen dhinacyada siyaasadda isku haya inay ku kacaan ficilo xiisadda uga sii dari kara.

“Waxaa loogu baaqayaa dhammaan hogaamiyaasha siyaasada Soomaaliya inay is xakameeyaan oo ay ka waantoobaan ficil kasta oo keeni kara xiisad oo sii kororta taasi oo minjaxaabin karta xasiloonida Soomaaliya, gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda”, ayaa lagu yidhi bayaanka.

Hadalka golaha nabadda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay horey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uga soo horjeedsadeen muddo kordhinta ay baarlamaanka u sameeyeen madaxwayne Farmaajo.

SHARE
Article horeGolaha Ammaanka Oo War Ka Soo Saaray Khilaafka Doorashada Somaaliya
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here