Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Bulshadda U Bandhigay Miisaaniyadda 2020-ka Iyo Meelaha Ay Xooga Saarayso

0
3

Hargeysa, (Hubaal)-Fadhi ay shalay yeesheen Masuuliyiinta Dowladda Hoose iyo Guddiyada xaafadaha ee Hargeysa, ayaa lagu ansixiyey Miisaaniyad-sannadeedka ay dowladda Hoose ku shaqayn doonto sannadka soo socda ee 2020-ka. Fadhiga oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Deegaanka isla markaana ah Duqa Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo uu weheliyo maayar ku-xigeenka Cabdicasiis Caga-weyne iyo Xubno ka tirsan Guddiyada Degmooyinka Hargeysa, ayaa lagu soo bandhigay miisaaniyadda ay dowladda Hoose ku shaqayn doonto sannadka soo socda, iyadoo Maayarku halkaas ugu soo bandhigay guddiyada Xaafadaha Miisaaniyada sannadka soo socda, isla markaasna ay halkaas ku meel-mariyeen.

Guddoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa caasimada, Cabdiraxmaan Soltelco oo miisaaniyadda ka hadlayana waxa uu yidhi; “Maanta miisaaniyadeenaasi waxa ay ku taxaluuqdaa qofka bani’aadamka ah ayay ka bilaabmaysaa daryeelkiisa, oo ah dhallinyarta iskuulka dhigata, waxbarashadoodii, caafimaadkoodii, halkay ku ciyaarayeen, waddadii la marayay, caafimaadkii hooyada iyo dhalaanka, waddooyinkii iyo nadaafadii intaasi oo isku xidhan. Waxaannu idiin soo bandhignay mashaariicdii.”

SHARE
Article horeWasiir Cabdilaahi Abokor Oo Kormeeray Dhismaha Waddada Ceerigaabo
Article soo socdaMaxaad Ka Xusuusataa Dhacdooyinkii Wanaagsanaa Ee 2019-ka?
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here