Guddida Cusub Ee Doorashada Oo La Kulmay Golaha Wakiillada

0
3

Xubnaha Guddida Doorashooyinka cusub ee Somaliland ayaa la kulmay Guddida Arrimaha gudaha iyo difaaca ee Golaha Wakiillada, kuwaasoo kulan wadareed la qaatay xubnaha guddida.

Guddidan oo uu bishii Oktober u soo gudbiyey golaha Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayey guddida arrimaha gudduhu qiimeyn ku samaynayaan, si ay ansixintooda ugu gudbiyaan Golahaasi.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha gudaha ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Cabdilaahi Balaki, ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimaha ay kala hadleen guddida, “Guddidu marka ay dhamaystiraan baadhitaanka ku saabsan in ay xubnaha Komishanku buuxiyeen Shuruudihii looga baahnaa, ayey u gudbinayaan gole weynaha, howshaasi ayaanu maanta ugu yeedhnay”ayuu yidhi Xildhibaan Cabdilaahi Balaki.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee Golaha Wakiilladu la yeesho guddida cusub ee ay soo xulleen Madaxweynaha, Asxaabta Qaranka iyo Golaha Guurtidu.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here