Hadhaaga Sigaar La Isticmaalay [Haash] Oo Horseeday In La Soo Qabto Eedeysane 35 Sano La Raadinayay

0
1

Caddeynta hiddo-sidaha DNA oo laga qaaday sigaar la isticmaalay ayaa horseeday in booliiska Florida ay soo xidhaan nin looga shakisanaa inuu dilay haweeney 35 sano kahor. Daniel Wells, oo 57 sano jir ah, ayaa lagu xiray Pensacola horraantii toddobaadkan isagoo loo haysto dilka Tonya McKinley. Ms McKinley ayaa 1-dii January sanadkii 1985 la helay meydkeeda oo ay ka muuqatay in la kufsaday, waxayna ka tagtay hal wiil.

Kiiskeeda ayaa noqday mid aan la xallin, balse booliiska ayaa sheegay in DNA laga qaaday xogta bulshada ay sababtay in Mr Wells lala xiriiriyo dilkeeda.

“Ma ogeyn in ay tani dhacayso,” ayay tidhi Renee oo ah Ms McKinley walaasheed. “Runtii uma maleyneynin inay tani dhacayso intaan noolahay, iska daa 35 kaddib.”

Booliiska Pensacola ayaa sheegay inay wareysteen saaxiibbadeed iyo qoyskeeda. Booliiska ayaa sidoo kale la hadlay dad kale oo u dabaaldegayay Sanadka Cusub oo ku sugnaa maqaayad ay markii ugu dambeysay joogtay haweeneyda la dilay oo xilligaas 23 jir ahayd.

Balse wixii ka horreeyay toddobaadkan, lama sheegin cidda looga shakisan yahay.

“Inkastoo la hayay caddeymo, wareysi bandanna la qaaday haddana kiiska ayaa laga gaabiyay,” ayuu yiri booliiska. “Isla xilligaas, wiil yar ayaa hooyo la`aan koray, waaliddin ayaana duugay gabadhooda, dilaa ayaana si xor ah isaga soconayay”.

Sidee ayay booliisku ku heleen eedeysanaha?

Guusha booliiska ayaa timid kaddib markii ay iyagoo ku hubeysan DNA ee laga qaaday meydka McKinley iyo agagaarka goobta lagu dilay ay barbar dhigeen xogta furan e dadweynaha ee caddeynta DNA-da. Xogta ayaa u horseeday booliiska Pensacola inay ay helaan dad dhowr ah oo la rumeysan yahay inay qaraabo fog la yihiin Mr Wells. Kaddib markii la ogaaday’ baaritaan dheer ayaa horseeday in lasoo qabto Mr Wells. Booliiska ayaa dabagaly kaddibna DNA ka qaaday sigaar uu ka soo tuuray gaadhigiisa. Mr Wells ayaa lagu soo eedeeyay darajada koowaad ee dilka iyo darajada koowaad ee kufsiga, waxaana lagu hayaa Xabsiga Escambia.

SHARE
Article horeUrur WADDANI Ah Oo Ku Baaqay In La Sameeyo Sharci Lagu Xakameynayo Muwaadiniinta Hagar-daameeya Qaranka
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here