Halkan Ka Akhri: Garsoorayaasha Maxkamadaha Dalka Oo Qaarkood La Isku Shaandheeyay, Halka Qaar Kalena La Eryay

0
29

Hargeysa (Hubaal) – Fadhi ay shalay yeesheen guddida cadaaladda Somaliland waxa si buuxda shaqdii ay ugaga eryeen  23 garsoore oo ka hawl geli jiray Maxkamadaha dalka.

garsoore

Sidoo kale, Waxa lagu soo waramayaa in isku shaandhayn ay ku sameeyeen qaar ka mid ah garsoorayaasha iyo guddoomiyayaasha maxkamadaha, kadib markii guddida cadaaladdu ku soo samaysay qiimayn. Isbedelka garsoorayaasha maxkamadaha ayaa soo noq noqotay, hase yeeshee waxa isa soo taraysa kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan cadaaladooda.

Guddida cadaaladda ayaa lagu dhaliilaa in aanay waxba ka qaban in ay ku shaqeeyssn xeer hoosaadka anshaxa iyo anshax marinta, si loo yareeyo cabashada ka taagan garsoorka.

Kiisaskaas ay xukuumaddu diiday fulintooda illaa hada xal kamay gaadhin xukuumadda iyo garsoorkuba.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here