HALKAN KA AKHRI: Warbixin Uu Weriye Cabdifataax Mursal Ka Diyaariyey Saaxiibbo Ay Saaxadda Siyaasadda Ku Kala Durkay OoIsa Soo Dhaweeyey+DAAWO SAWIRRADA

0
28

Hargeysa (Hubaal):- Tifaftiraha guud ee degelka wararka ee Aftahannews.com Cabdifataax Ismaaciil Mursal ayaa Faallo ka qoray soodhawayn diiran oo uu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku qaabilay maanta dhiggiisa xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, kaasoo muddo dhowr bilood ah dalka ka maqnaa hase ahaatee maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.
Tifaftire Cabdifataax Mursal waxa uu Warbixintiisa oo aanu ka soo xiganay Aftahannews.com uu ku bilaabay sidan:
Soodhawayntaas oo noqonaysa tii ugu horreysay ee uu Cirro iyo Xoghayaha guud ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo isagana uu khilaafka siyaasadda ee awood-raadinta Kursigu ku qaabbilo Faysal tan iyo intii ay ku kala baxeen 2012-kii UCID oo ay wada ahaayeen muddo khilaaf siyaasadeed oo kala jebiyey awgii.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay Masuuliyiin iyo taageerayaal UCID ka tirsani oo ay weheliyaan Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Guddoomiye Cirro iyo Xoghayaha guud ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, ayaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Cigaal ee Caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu muddo safarro ugu maqnaa waddamada Yurub iyo Imaaraadka Carabta qaarkood.

Soo-dhawaynta Eng. Faysal ee uu ka qayb-qaatay Guddoomiyaha WADDANI Md. Cirro, ayaa u muuqata mid is-bahaysi iyo isu-soo-dhawaansho Siyaasadeed oo labada Xisbi Mucaarad ka dhexeeya, inkasta oo ay dabayaaqadii sannadkii hore wada-jir ugu baaqeen UCID iyo WADDANI qabashada Dood Qaran oo lagaga hadlo xaaladda dalku marayo oo ay Xukuumaddu ka soo horjeesatay, ka dibna Akaademigga nabadda iyo horumarinta Somaliland la wareegay, haddana laguma guulaysan hirgelinta Shirkaas.

Hase-yeeshee, tallaabadan soo-dhawaynta ah ee uu Md. Cabdiraxmaan-Cirro qaaday ayaa ah mid ku cusub siyaasaddii ka dhaxaysay labadaas Xisbi oo mararka qaarkeed cunfiga khilaafkii siyaasadeed ee kala kaxeeyey Cirro iyo Faysal oo muddo Saaxiibbo reer UCID ah isku ahaa, kaasoo salka ku hayey kala jiidashada awoodeed ee Xisbiga ay midka ku ahaayeen ee UCID oo markii khilaafkoodu muddo jiitamayey ay Maxkamadda sare ee Somaliland go’aan ka gaadhay ay hoggaaminta Xisbiga ugu xukuntay Eng. Faysal Cali Waraabe.

Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu Xukunkaa Maxkamaddu ka gaadhay is-haysigii UCID oo labada Garab ee uu u kala jabay ay Faysal iyo Cirro kala hoggaaminayeen, ka dib uu isla sannadkaas 2012-kii Cirro iyo Saaxiibbadiisii markaas Garabkiisa la socday aasaaseen Urur-siyaasadeedkii WADDANI oo noqday Ururka keliya ee ka soo gudbay dhawr iyo toban Urur-siyaasadeed oo mar lala furay, isla markaana ka qayb-galay doorashadii Golayaasha Deegaanka Somaliland oo qabsoontay bishii October 2012-kii, balse WADDANI mooyee intii kale aanay ku guulaysan inay Xisbi Qaran u soo gudbaan.
Qalinkii: Cabdifataax Ismaaciil Mursal
Aftahannews Editor-in-chief
Hargeysa, Somaliland
Mrmursal@gmai.com

Soo dhawayntii faysal cali waraabe

Soo dhawayntii faysal cali waraabe 2

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here