Hawlgal Laga Dareemay Xaafadaha oo Ciidanka Boolisku Ka Fuliyey Caasimadda Hargeysa

0
2

Hargeysa(Hubaal)- Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saddexdii habeen ee la soo dhaafay xaafadaha Magaalada Hargeysa ka fuliyey hawl-gal xoogle oo ay ku ugaadhsanayeen dhallinyarro dadka ka booba Telefoonnada gacanta, kuwaasi isla markaana dadweynaha dhibaato ku haya.

Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa sheegay in hawlgalkaasi uu la xidhiidho ilaalinta ammaanka caasimadda Hargeysa, waxaanu tilmaamay in ciidanka Boolisku ay raacdaynayaan firxadkii u dambeeyey ee kooxo dhallinyaro ah oo dadweynaha habeenkii ka qaada Telefoonnada.

Taliye Ku-xigeenka Boolisku wuxuu tilmaamay in dadweynuhu ay ka raysteen dhibaatadii ay tuugtu ku hayeen, waxaanu xusay in hawlgalkaasi noqon doono mid joogto ah.

Sidoo kalena, Weriyeyaal ka tirsan Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa ku soo warramay in shanta degmo ee caasimada Hargeysa ku arkeen ciidan xoog leh oo waddooyinka iyo xaafadaha ka fulinaya hawlgalkaasi oo tallaabo ka qaadaya dhallinyarada koox-kooxda u fadhida xaafadaha dhexdooda.

Waxa kaloo la sheegay in  kooxihii tuugta ahaa ay ka baxsadeen jidadkii iyo meelihii ay bulshada kaga xoogi jireen Telefoonnada gacanta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here