Imtixaanka Lagu Galo Jaamacadda Hargeysa Oo Gabdhihii Ugu Badnaa Abid Ay Soo Codsadeen

0
6

Ku dhawaad 2,000 oo arday ah oo sanadkan araaji u soo qortay Jaamacadda Hargeysa ayaa maanta u fadhiistay imtixaanka lagu galo jaamacaddaas. In ka badan kalabadh tiradaasi ayaa ah gabdho jaamacadda soo codsaday, tiradaas oo ah middii ugu badnayd abid ee hablo ah ee jaamacadda soo codsata.

Jaamacadda Hargeysa ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay qaabisho dhammaan ardayda soo buuxiya shuruudaha kana soo gudba imtixaanka lagu galo jaamacadda.

Madaxa imtixaanaadka jaamacadaas Cabdirashiid Gaaxnuug xusay ardaydaasi ay maanta u fadhiistay imtixaankii ay jaamacaddaa ku galilahaayeen, iyadoo tirada soo baxdaana ay bilaabi doonaan 11-ka kuliyadood oo jaamacadaasi bixiso.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here