Itoobiya: Kooxda TPLF Oo Qabsaday Magaalada Muhiimka Ah Ee Dessie

0
7

Addis Ababa – (Hubaal) Xoogaga Jabhadda TPLF, ayaa sheegay inay si buuxda u qabsadeen magaalada istiraatiijiga ah ee Dessie ee Gobolka Amhara ee dalka Ethiopia oo maalmihii ugu dambeeyey dagaallo aad u qadhaadh ka socdeen subaxnimadii hore saaka.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda oo wakaaladda wararka ee Reuters kula hadlay telefoon satellite ah, ayaa sheegay in ciidankoodu gebi ahaanba uu kuwa dawladda Itoobiya ka saaray degmada Dessie, haatanna ku sii jeedaan dhinaca magaalada Kombolcha.

Waxa kaloo uu sheegay in xoogaga TPLF gacanta ku dhigeen askar ka tirsan ciidammada Ethiopia.

Afhayeenka dawladda Ethiopia, Legesse Tulu, ayaan ka jawaabin codsi ah inuu sheegashada TPLF ka hadlo. Wakaaladda wararka ee Reuters waxa ay warisay in aanay si dhaba u xaqiijin karin sheegashada TPLF.

Agaasime dugsi ku yaal Dessie ayaa Reuturs u sheegay in uu arkay ciidammada Ethiopia oo dib uga guranaya magaalada subaxnimadii hore ee Sabtida maanta, waxayna u bexeen dhanka magaalada Kombolcha, isagoo sheegay in korontadu magaalada ka go’an tahay tan iyo maalintii Jimcaha.

Qof dadka magaalada ka mid ah oo magaciisa ku soo koobay Amir ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP in ciidammada Ethiopia ay saaka waabarigii ka baxeen magaalada.

Goobjooge kale oo isna magaciisa ku sheegay Mohammed ayaa u sheegay AFP in xoogaga TPLF soo galeen magaalada Dessie xalay saqdii dhexe.

La wareegista Dessie ayaa guul istiraajiyadeed oo aad u weyn u noqoneysa kooxda TPLF dagaalkeeda ka dhanka ah ciidammada dowladda dhexe ee dalkaasi oo isku dayaya in ay jabhadda ka saaraan Gobolka Amhara.

Dessie ayaa ilaa 385 km u jirta caasimadda Addis Ababa, waana magaalada ugu muhiimsan dhanka koonfurta ee gobolka Amhara ee TPLF ay gaadho tan iyo markii ay gulufkan ku bilowday gobolkan bishii July ee la soo dhaafay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here