Itoobiya Oo U Ciidan Urursanaysa Dagaalka Tigray

0
1

Addis ababa (Hubaal) Ciidanka federaalka Itoobiya ayaa dalka oo dhan ka ururinaya askar iyadoo uu sii socdo dagaalka ay xukuumadda Abiy Axmed kula jiro xooggaga gobolka Tigray. Taliye kuxigeenka ciidamada Itoobiya, Jeneral Berhanu Jula, ayaa khiyaano qaran ku eedeeyay xooggaga daacadda u ah xisbiga haya talada gobolkaas ee Tigray People’s Liberation Front (TPLF). Hogaamiyaha Tigray, Debretsion Gebremicheal, ayaa sheegay in ciidankiisa ay dagaalka ka wadaan soohdinta uu gobolkaas la leeyahay kan ay deriska yihiin ee Amxaarada. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la joojiyo xabbada. Xisbiga TPLF ayaa sanado badan awood xooggan ku lahaa hogaanka Itoobiya, balse awooddaas ayaa meesha ka baxday tan iyo markii uu xukunka la wareegay ra’iisal wasaare Abiy Axmed sanadkii 2018.

Ciidamo badan ayaa lagu daabulayaa gobolka Tigray si ay u xoojiyaan Taliska Waqooyi ee xaruntiisu tahay gobolkaas, sida uu sheegay Jeneral Berhanu Jula. Ra’iisal wasaare Abiy ayaa laba farriin uu soo dhigay Twitter ku sheegay in hawlgalka uu noqon doono “mid xadidan” isla markaana uu yahay mid laga fursan waayay kadib bilooyin ay dowladdiisa ku dedaalaysay inay xiisadda ku xalliso qaab nabadeed. Hogaamiyaha Tigray, Debretsion Gebremicheal ayaa sheegay in xooggagiisa ay la wareegeen “inta badan” hubka yaalla taliskaas.

Weriyaha BBC ee Addis Ababa, Kalkidan Yibeltal, ayaa sheegay in xiisadda ay u muuqato mid ka sii daraysa.

Heerka uu gaadhsiisan yahay dagaalka

Waa ay adagtahay in la ogaado heerka uu gaadhsiisan yahay dagaalka u dhexeeya labada dhinac ama khasaaraha nafeed ee ka dhashay. Sababta ugu weyn ayaa ah in khadadka telefoonnada iyo internet-ka laga jaray Tigray.

Debrestion ayaa Isniintii weriyayaasha u sheegay in xukuumadda Addis Ababa ay duulaan ku qaadi rabto gobolka Tigray, isagoo ku dooday in loo ciqaabayo doorashadii uu gobolkaas qabsaday. Abiy ayaa dhankiisa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo dagaalka, waxaana uu ballanqaaday inuu macluumaadka shaacin doono marka la soo afjaro hawlgalka. Debretsion ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin inay difaacdaan gobolkooda, isla markaana uu “xabaalo u noqon doono kuwa ku soo gardarooday”.

Dadka odorosa xaaladda Itoobiya ayaa walaac ka muujiyay in colaaddan ay isu bedali karto dagaal sokeeye.

Maxaa la isku hayaa?

Xiisadda u dhexaysa TPLF iyo xukuumadda Addis Ababa ayaa taagneyd intii muddo ah. Ra’iisal wasaare Abiy ayaa sanadkii hore kala diray isbahaysigii talada hayay, waxaana uu sameeyay xisbi qaran oo ay ku jiraan dhowr xisbi oo ka dhisan deegaannada qowmiyadaha ku salaysan, kaasoo loo bixiyay Prosperity Party. Xiisadda ayaa ka sii dartay markii ay TPLF qabsatay doorasho deegaan bishii September, tallaabadaas oo ka caraysiisay Addis Ababa oo codbixinta ku tilmaamtay mid “sharci darro ah”.

Doorashadaas ayaa dhalisay walaac ah in TPLF ay isu diyaarinayso inay ka go’do Itoobiya inteeda kale. Xisbigaas ayaa ku dooday inay ka go’an tahay ka sii mid ahaanshaha Itoobiya, balse uu diidan yahay waxa uu ugu yeeray isku dayga Abiy ee ah xukuumad dhexe oo awood badan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ku eedeeyay TPLF inay weerartay saldhig uu leeyahay milateriga Itoobiya, waxaana ay dowladda Federaalka ku dhawaaqday in gobolka Tigray la geliyay xaalad degdeg ah muddo lix bilood ah. Hawada gobolkaas ayaa la xiray.

,Maxay sheegeen diblomaasiyiinta?

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa sheegay inuu “aad uga walaacsan yahay” xaaladda, waxaan uu ku baaqday in degdeg loo joojiyo dagaalka. Xoghayaha arimaha dibedda Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa Arbacadii ku baaqay in la joojiyo xabbada. “Waxaan ka xunnahay dadka ku dhimanaya dagaalka, waxaana ku baaqaynaa in degdeg lagu joojiyo colaadda, isla markaana nabad lagu soo dabaalo gobolka. Badqabka shacabka iyo ammaankooda ayaa muhiim ah,” ayuu ku yidhi qoraal uu soo saaray.

Midowga Afrika oo ay xaruntiisu tahay Addis Ababa ayaa xoogga saaraya in wadahadal lagu xalliyo xiisadda, balse dowladda Federaalka ayaa diidan wadahadalkaas, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen wakaalada wararka ee Reuters.

SHARE
Article horeIsbarbardhig Lagu Sameeyey Mugabe Iyo Trump
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here