Jannada Ma Koox Keliyaa Galaysa?

0
7

W/Q: C/risaaq C/Raxmaan C/laahi Xasan-rakuub

Isdultaag ayuu mudan yahay xadiiska ka warramaya ummaddani in ay noqon doonto saddex iyo toddobaatan kooxood, laba iyo toddobaatanna naarta geli doonaan, midna jannada keli ku ahaan doonto. Aqoonyahan badan ayaa iswaydiiya xadiiska sugnaantiisa, maangalnimadiisa iyo fahanka saxdii midka uu noqonayo.

Xadiiskani wuxu abbaarayaa mawduuc weyn oo u baahan faahfaahin, middaas baa kalliftay caddayntiisa in aynu u qalin qaadanno. Ugu horrayn xadiiskani kuma sugna labada kitaab ee saxeexaynka loo yaqaan ee Bukhaari iyo Muslim, sida oo kale shuruudahooda kuma ansixin sida marar badan la sheego.

Xadiiska waxa wariyey saxaabo badan sida Abu Hurrayra, Cabdillaahi Bin Camar, Mucaawiya, Cawf binu Maalik iyo Anas, waxanay u kala wariyaan siyaallo kala geddisan, laakiin waxa ay ka siman yihiin in xadiisku odhanayo: Yuhuud waxay u qaybsantay kow iyo toddobaatan kooxood, Nasaarana laba iyo toddobaatan kooxood, ummadayduna waxay u qaybsami doontaa saddex iyo toddobaatan kooxood.

Xadiiska Abu Hurrayra marka laga reebo  kuwa kale waxay dheeraad la yihiin: “Kulligood naarta ayey galayaan, koox kaliya mooyee.” Waxa soosaaray Imaam Axmed, Abu Daa’uud, Tirmidi iyo Ibnu Maajah. Ibnu Xajar wuxu ku tilmaamay darajo ahaan xasan, halka Ibnu Taymiya saxeex ku sheegay kolka hababka uu ku soo arooray la isku geegeeyo.

Fahannada xadiiska laga soosaaray inta aynaan ka hadal waxaynu dul istaagii doonnaa xadiisku dariiqyada uu ku yimid, innaga  oo leh dariiqa Abu Hurrayra mooyee inta kale ma sugna, walow isaga laftiisa laga hadlay oo aynu ka warrami doonno haddana kiisa uun baa u xoog badan kuwa kale ee ay ku jirto dheeraadka ah: “Kulligood naarta ayey galayaan, koox kaliya mooyee.” ma sugna, haddaba aynu aragno siddeedda duruq ee xadiisku ku yimid iyo mid walba waxa laga yidhi.

Dariiqa kowaad waa Cawf Binu Maalik, waa xadiis munkar ah,  munkar-waa xadiiska nin daciif warrintiisa lagu yaqaan gooni ku ahaado, ama qof warrintiisu sarrayso u xadiis ku khilaafo. Sidaa daradeed warintan sanadkiisa waxa ku jira Cibaad binu Yuusuf oo munkar lagu sheegay, dariiqanna ma sugna.

Dariiqa labaad waa Mucaawiya, sanadkiisuna waa dafiic, waxana dafiicnimadiisa loo aaneeya ku jirista u ku jiro sanadka Ashar Binu Abi Cabdillaah oo aan waxba laga warin.

Dariiqa saddexaad waa Cabdillaahi Bin Camar, dariiqanna waa mid daciif ah, waxa u  sabab ah in uu ku jiro liiska warrinta Cabdiraxmaan Binu Siyaad Al-ifriiqi oo caan ku ah axaadiista daciifkaa, ragga la xujaystana aan ka mid ahayn.

Dariiqa afaraad waa Sacad Abi Waqaas, dariiqanna waxa lagu duraa in uu yahay xadiis munkar ah, oo waxa ku jira Muuse Binu Cubaydata oo aan la xujaysan, warintiisa oo munkar ah awgeed.

Dariiqa shanaad waa Cumar Binu Cawf, dariiqan ganafkaa lagu dhuftaa sababta oo ah waxa lagu sheegay dariiq baadil ah, waxa ku jira Kasiir Binu Cabdillaahi oo axaadiistiisa lagu yaqaano munkar in ay yihiin.

Dariiqa Lixaad waa Abi Umaama, waa dariiq daciif ah siday sheegaan Nisaa’I iyo Ibnu Xibbaan oo ku tilmaamay munkar, waxana lagu duraa sanadkan Abi Qaalib oo warintiisu daciif tahay.

Dariiqa toddobaad waa Anas, walow uu duruq badan uu ku yimaaddo haddana ma jiro hal dariiq oo u sugmay, ragga ku jira silsiladda warinta waa rag lagu sheego in ay yihiin matruukiin. Matruuk- wuxu ka sii liita xagga warinta xadiiska munkarka ah, waana xadiis dafiic ah, Ibnu Xajar wuxu yidhaa: raawiga muntahamka ah ayaa la yidhaa matruuk, xadiiska uu wariyana waxa la yidhaa munkar. Isku soo duduub oo waa axaadiis aan sugnayn.

Duruqdan Anas ee lagu sheegay in ay yihiin matruuk, waxa lagu haystaa Sayd Bin Abbaan Araqaashi, ninkan Imaam Muslim wuxu ku tilmaamay mid matruuk ah warintiisu oo aan axaadiistiisa la cuskanayn. Waxa kale oo ku jira Mubaarak Binu Saxiim oo isna matruuk ay tahay wuxu wariyaa. Siyaad Anamiiri ayaa isna ku jira oo munkar Ibnu Xibbaan iyo culimo kale ku sheegaan warintiisa. Sulaymaan Binu Dariif iyo Najiic Binu Cabdiraxmaan oo warinta ku jira Imaam Bukhaari munkariin ayuu ku sheegaa, ninka ugu dambeeyaa isna waa Sacad Bin Saciis oo isna matruuk lagu sheegay. Gunaanadku waa duruqda badan ee Anas mid sugan kuma jiro.

Dariiqa ugu dambeeyaa waa midka Abu Hurrayra waana dariiqa kaliya ee sugan darajadiisu waa xasan. Xasan- waa xadiiska darajada saxeexa hal sallaan ka hooseeya, waana xadiis xujogal ah. Abdi Daa’uud ayaa soosaaray xadiiskan, in kasta oo uu ka aamusay saxiix iyo dafiic midka uu yahay, haddana agtiisa aamusku waa saxeex ama xasan darajo ahaan. Tirmidi isna wuu soosaaray wuxuna ku sheegay xasan-saxeex ah darajadiisa, waxa kale oo soosaaray Ibnu Maajah, Xaakim iyo Ibnu Xibbaan.

Xadiiskan laftiisu in wax laga sheego kama uu nabadgelin in kasta oo aynu leenahay waa xadiiska ugu xooggan xagga sugnaanta dhammaan axaadiistii aynu soo aragnay oo kolka la isku geegeeyo sanad ahaan uu noqonayo xasan, haddana qudhiisa waxa lagu haystaa Maxamed Bin Camar Binu Calqama Binu Waqaas Allaysii, oo aanu xifdigiisu wanaagsanayn. Imaam Misi kitaabkiisa Tahdiiyb iyo Ibnu Xajar kitaabkiisa Altahdiiybu Tahdiib way ku duraan xifdiga ninkan.

Culimada difaacday waxay leeyihiin Imaam Muslim ayaa ninkan wax ka soo wariya oo shardigiisa ayuu ku ansaxayaa, laakiin Dahabi wuxu leeyahay; Imaam Muslim keligii waxba kama soo wariyo ee rag kale ayuu ku kabaa, sidaa daradeed xadiiskan gaar ayuu la noqday oo cid lagu kabo ma jirto, kuwa haystaana middan ayey ku daciifiyaan, laakiin kolka xadiiskan Abu Hurrayra la isku geegeeyo xasan wuu tagayaa waana midda aanu la socon dheeraadka ah: “Kulligood naarta ayey galayaan, koox kaliya mooyee.”

Sugnaanta xadiiska hal dhinac uun baa sugan, intaasna kuma jirto dheeraadkan muranka xadiiska dhaliyey ee ah: “Kulligood naarta ayey galayaan, koox kaliya mooyee.” Sidaa ajligeed noqon maayo xadiis xujogal ah, sababta oo ah sanad ahaan ma sugna, fahan ahaanna ma cadda fiqiga ku jira farriinta xadiisku, sidaa ajligeed ayey culimo badan oo kuwii hore iyo kuwa dambe ba leh isku dul taageen ka hadalka xadiiskan.

Imaam Ibnu Xasmi xadiiskan sugnaantiisa wuu duray, wuxuna leeyahay, “Xadiiskani waa been abuur oo marfuuc iyo mawquuf toona maaha, sida oo kale dhammaan dhalleecaynta ku soo aroortay Qaddariyada, Murji’ada iyo Ashaaaciradu waa axaadiis daciif ah oo aan xoogganayn.”

Imaamka weyn ee Ibnu Wasiir wuxu leeyahay: “Ka fogoow oo ka digtoonoow in aad ku daganto odhaahda ah (Kulligood naarta ayey galayaan, koox kaliya mooyee) waa siyaado-hadal aan ku jirin xadiiska.”

Imaam Shawkaani isna wuxu leeyahay “inta dheeraadka ah ee xadiiska waxa daciifiyey koox culimada ah, Ibnu Xasmi isagu been abuur ayuu ku sheegay.”

Callaama Maxamed Xasan Dedow ayaa la waydiiyey xadiiska inta dheeraadka ku ah sugnaantiisa, wuxuna ku jawaabay, “Odhaahda ah (Kulligood naarta ayey galayaan, koox kaliya mooyee) anigu ma qabo sugnaanteeda qaybtan, waa laga yaabaa in aqoonyahanka kale ee diinta agtooda uu ka ansaxo, waana arrin ijtihaad ku salaysan, se anigu markii aan dabagalay sanadka xadiiska umaan helin hal sanad oo badqaba oo aan ku sugo, marka loo eego culimada aan ku kalsoonahay agtooda.”

Imaam Qaradaawi wuxu sugnaanta xadiiska ka yidhi: “Warrimaha qaar may sheegin hadalka (Kulligood naarta ayey galayaan, koox kaliya mooyee) se waxa ay tilmaameen oo kaliya in ay kala qaybsami doonaan, xadiiska intaas waa la daciifiyaa.”

Sheekh Qaradaawi isdultaag qiimo badan ayuu xadiiska ku sameeyey oo ah in ujeeddadiisu noqon doonto kooxuhu in ay gaar ahaantood isu cajabiyaan kuwa kalena fogeeyaan: “Waxyaallaaha murugsan ee dul hoganaya xadiiskani waa in ummaddani baradhaafisay dhanka tirada ay u qaybsamayaan Yuhuud iyo Nasaaro. Kooxahaas oo dhan waa kuwa halaagsamay oo naar ku dambaynaya, taasina waxay furaysaa waddo keenaysa in qolo kastaa sheegato in ay tahay ta badbaadaysa oo kuwa kale wada yihiin saaxiibada naarta.”

Callaama Qaradaawi wuxu ka digayaa inta la isla dhaafo isu bogidda kolka dambe in la is gaalaysiiyaba, imaamku wuxu leeyahay: arrintani waxay horseedaysaa in ummaddu kala googo’do iyo in koox kastaa kuwa kale durto oo baadi ku xukunto, waana suurtagal intaa in la isagala sii durko oo la is gaalaysiiyo. Muslimiinta middaasi way awood tiraysaa, cadawgoodana way u jabinaysaa waana lagu soo wada dhiiranayaa, sababtaa darteed ayuu Callaama Ibnu Wasiir xadiiskan u duray si guud, gaar ahaanna intan dheeraadkaa, maaddaama uu keenayo in ummadda kooxba kooxda kale baadi ku xukunto, amaba is gaalaysiiyaan.

Callaama Maxamed Siciid Ramadaan Buudi isdultaagga uu xadiiskan ku sameeyey waa mid maangalnimo heersarraysa ay ku jirto, wuxu ka soosaaray fahan aad u miisaan culus.

Sheekh Buudi wuxu leeyahay: “Rasuulku NNKH, wuxu sheegay Yuhuuddu in ay u qaybsantay kow iyo toddobaatan kooxood, Kiristaankuna u qaybsameen laba iyo toddobaatan kooxood, waxa kale oo u usheegay isaga oo leh (ummaddaydu) waxay u qaybsami doontaa saddex iyo toddobaatan kooxood. Rasuulku NNKH, ma odhan Muslimiintu waxay u qaybsami doonaan saddex iyo toddobaatan kooxood, maaddaama oo uu magacyada Yuhuud iyo Kiristaan sheegay, laakiin wuxu yidhi (ummaddaydu). Magaca Muslimiin hadduu adeegsan lahaa waxa isqaabili lahaa magacyada oo saddex magac noqon lahaa se ma dhicin. Magaca (ummad) wuxu leeyahay laba macne oo kala ah (ummato Aldacwa)-dadkii Rasuulka loo soo diray oo ah cid kasta oo baaqa ama farrintu ku wajahan tahay iyo (ummatul ijaabah)-dadkii aqbalay fariintiisa oo ah Muslimiinta. Ummadda la sheegay in ay qaybsamaysaa waa (ummatu dacwa) oo noqonaysa gaal iyo muslim in uu la hadlayo xadiisku. Odhaahda dambe (Kulligood naarta ayey galayaan, koox kaliya mooyee) haddii xataa la yidhaa way sugan tahay waxay daliil u noqonaysaa in cidda badbaadaysaa Muslimiinta yihiin, sababta oo ah Rasuulku NNKH, wuxu adeegsanayaa (Marka laga soo reebo millad keli ah) oo macnaheedu noqonayo diin kali ah, waana diinta Islaamka, nuxurkuna yahay diinta Islaamka marka laga yimaaddo diimaha kale naarta ayey galayaan, taasna Quraanka sheegay.”

Xadiiskan cuskashadiisa Muslimiin badan ayaa lagu dulmiyaa, iyaga oo kuwa daliishadaa isu bogaan, istusiyaanna in ay yihiiin kooxda qudha ee jannada galaysa, kuwa kalena yihiin qaar naartu hoy u tahay. Qof Muslim ah oo la khalad fahansiiyey xadiiskan ayaa nicidda uu u qaado muslimiinta aan isaga la fikirka ahayni marar badan ilowsiisaa wax isu ahaanshihii guud iyo walaalnimadii Islaamnimo, qofkaas oo inta badan faaqidaya oo ka sheekaynaya ceebaha walaalihiisa muslimiinta ah.

Khalad fahanka xadiiskani wuxu weeciyaa nusuus badan oo Quraan iyo axaadiis ah oo ka warrama jacaylka, isu hilowga, wax isku ahaanta iyo wanaagga dhexyaalla muslimiinta, wuxuna ilowsiiyaa cadowgooda dhabtaa oo ah gaalada. Intay kaa iska caabbintiisa ku mashquuli lahayeen waxay ku foraraan wax iska sheeggooda.

Gunaanadku waa in si guda-balaadhan fahanka iyo furfuridda diinta loo eego, loo na fahmo naxariista Alle SWT ee balaadhan, cidhiidhina la isaga dhigin deeqdiisa hodankaa oo aan la isku koobin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here