Kala Xadaynta Dadka Qaxootiga, Barakacayaasha Iyo Muwaadiniinta

0
4

Waxa ka taagan dalalka innagu xeeran ee aan deriska nahay intooda badan qalalaase siyaasadeed iyo dagaallo sababay inay dad badani nafahooda iyo kuwa qoysaskooda ula soo cararraan dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay horena u jireen kuwa badan oo shaqo doon ah oo u soo haajiray dalkeena, si ay uga baadi-goobaan nolol ka roon tii ay dalalkooda uga soo baxeen.

 

Dadkan oo xambaarsan duruufo kala gaar ah, waxa si dadban uga faa’iideysan kara cadowga Jamhuuriyadda Somaliland , si ay u khalkhal geliyaan xasiloonida iyo degganaanshaha ka jira gayigeena, sidaa darteed waxa lama huraan  ah, waajibna innagu wada ah  dhammaanteen inaan muujino feejignaan iyo digtooni waqti kasta, si aan la innoogu soo dhex dhuuman dadka qaxootiga ah ee ka kala yimid dalalka Itoobiya, Yeman, Soomaaliya, Suuriya iyo kuwa kale oo ka kala yimid Qaaradda Aasiya sida Bangaldheesh iyo Filibiin.

 

Dhibaatooyinka muuqda ee la ogaaday ee ay la yimaadeen qaxootiga ku sugan gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ka mid ah amni darro la soo deristay degaano ka mid ah Gobollada dalka sida Laas-caanood, Ceerigaabo iyo meelo kale, taas oo kelliftay in dadka aan si sifo sharci ku joogin degaannadaas dib loogu celiyo dalalkoodii, gaar ahaan intoodii ay soo galeen raadadkii baadhitaan ee la sameeyey ee ku saabsanaa dilalkii ka dhici jiray  magaalooyinkaasi.

 

Inkasta oo aan shaqo la’aan ka cabano, haddana taasi maaha mid si adag uga jirta dalkeena, waxana tusaale kuugu filan dadka tirada badan ee la wareegay qeybo badan oo ka mid ah shaqooyinkii ay hore u qaban jireen dadka muwaadiniinta ee reer Somaliland, waxana ka mid shaqooyinka Hudheellada wax laga cuno, shaqooyinka kala duwan ee dhismayaasha, Timo jarista, goobaha cabbitaannada iyo cuntooyinka fudud iyo meelo kale oo badan, iyadoo aanay dadka qaxootiga ahi raacin shuruucda caalamiga iyo kuwa dalka JSL toona.

 

Tusaale ahaan Qaxooti reer Yemaneed ah, ayaa iyagoo aan haysan oggolaanshihii deganaanshaha dalka iska furta goob ganacsi, shaqaalaha u shaqeeyaana dhammaantood waa Yemaniyiin, waxayna taasi meesha ka sii saaraysaa dadkeenii xoogsatada ahaa ee ka shaqeyn lahaa meheradaasi, waxayna tallaabooyinkani kusii dhiirigeliyeen in dadka qaxootiga ahi ay albaabada u laabaan meherado ay dad muwaadiniin ahi ka xoogsan jireen, kadib markay xubno ka mid ah dadka qaxootiga ahi kiro ka badan tii muwaadinku ka bixin jiray goobta uu ku ganacsado ay dul-dhigaan kuwa waxoogaa haysta oo ka mida Qaxootiyada.

 

Waxa kale oo intaa sii dheer oo runtii wax laga damqado ah, in dadkeenu iyagoo ogsoon shaqo yaraanta ka jirta dalka, ay haddana xagga shaqo siinta ay kuwa ajaanib ah ee bilaa sharciga ee  ka door-bidaan kuwa muwaadiniinta ah ee u qaban kara shaqadaasi si ka fiican ka qaxootiga ama ajnebiga aan sharciga lahayn, shaqooyinkaas oo gaadhsiisan heer kasta, marka xaqiiqada laga hadlana waa mid welwelkeeda leh oo waxyeelayn karta damiirka muwaadiniinta, gaar ahaan kuwa shaqo-doonka ah.

 

Geesta kale waxa sannadihii ugu dembeeyey dalkeena ku soo qulqulayey Dhakhaatiir ka kala yimid dalal kala duwan oo ay keensadeen dad muwaadiniin ah oo furtay xarumo lagu daweeyo cudurrada kala duwan, kuwaas oo aanay intooda badani xambaarsanayn aqoon ka durugsan mida ay leeyihiin Dhakhaatiirteenu, isla markaana aanay xarumaha ay u furtaan ku soo biirin qalab Caafimaad oo ka casrisan kuwii hore u yiil xarumaha wax lagu dabiibo ee dalka, tallaabadnina waxay caqabad ku tahay fursadihii shaqo ee ay heli lahaayeen Dhallinyaradeena tirada badan ee soo bartay Culuunta Caafimaadka.

 

Waxa lagama maarmaan ah in la kala xadeeyo qaxootiyada kala duwan ee dalka kusoo qulqulaya iyo muwaadiniinta, isla markaana loo sameeyo, lana dejiyo xeryooyin ka durugsan magaalooyinka, lana siiyo kaadhadh qaxootinimo, halkaas oo ay xeryaha dhexdooda ka sameysan karaan goobo ganacsi sida qaxootiyada kale ee ka jira dalal badan oo ka mid ah kuwa dunida,

 

Fulinta tallaabooyinkani waa mid ay masuuliyaddeeda wada leeyihiin muwaadiniinta loo shaqeeyayaasha ah iyo hay’adaha kala duwan ee u xilsaaran aminga, socdaalka iyo Hay’adda shaqo gelinta iyo Arrimaha Bulshada, waana tallaabo haddii si dhab ah loo qaado wax weyn ka tari doonta dhinacyada shaqo yaraanta ee dalka ka jirta iyo xagga amniga darrada ee kasoo yeedhay Gobollada dalka qaarkood  ay ku hayaan dadka qaxootiga ama barakacayaalba halloogu yeedhee  sida ay qabaan Hay’adaha Qaramada Midoobay, waayo waa innagu waajib sugidda amniga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here