Kooxda Meydadka Qaada Iyagoo Qoob Ciyaaraya Oo Shaaciyay Ciyaartoyda Ay Jeclaan Lahaayeen Inay Meydkooda U Qaadaan Qabriga

0
1

Benjamin Aidoo oo ah ninka ka danbeeya kooxda caanka noqotay ee meydadka qaada iyagoo qoob ciyaaraya ayaa sheegay inay sharaf u noqon laheyd haddii Ronaldinho u qaadi lahaa qabriga,. Aidoo ayaa sameeyay shirkad lagu magacaabo Nana Otafrija Pallbearing and Waiting Services isagoo ka aas-aasay magaada Accra ee caasimada dalka Ghana sannadkii 2007, iyadoo ujeedkooda uu ahaa inay muusik iyo qoob ka ciyaar ku qaadaan naxashka meydka. “Dadka qaarkiis ma doonayaan inay ooyaan” ayuu Aidoo u sharaxay Foot Mercato. “Kuwa kale waa ay ooyaan, laakiin haddii ay doonayaan inay ooyaan iyo haddii kale, waxaan ka dhignaa kuwa faraxsan, waan ku farxinaa sababtoo ah waxyaabaha aan sameyno.”

Shirkada ayaa caan ka noqotay meelo ka baxsan Ghana iyadoo haatan laga bartay dunida oo dhan ka dib markii muuqaalkooda si weyn loogu wadaagay baraha bulshada. Aidoo oo ah taageere Barcelona iyo Chelsea ayaa la weydiiyay ciyaaryahanka uu jeclaan lahaa inuu qabriga u qaado.

“Waxaan dhamaantood u rajeynayaa cimri dheer laakiin haddii aan fursad u helo waxaan ku riyoonayaa inaan gurigiisa ugu danbeeya u kaxeeyo Ronaldinho” ayuu yiri.

“Ka dib Maradona iyo ugu danbeyn Messi. Ronaldinho waa ciyaaryahan si weyn ii soo jiitay aniga.

“Waxay maamuus u noqon laheyd qoob ka ciyaarkeyga iyo midkii uu ku sameynayay garoonka dhexdiisa.”

SHARE
Article horeMuuse Biixi: “Qofkasta Wa Inuu COVID-19 Iska Baadha”
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here