Ma La Filayay In Afgembi Uu Ka Dhaco Dalka Sudan?

0
6

Dadka reer Sudan waxay shalay aroortii hore ku waa-bariisteen afgembi militari oo ay ciidamad dalka kula wareegeen. Waxaa ay ciidamada la wareegeen goobohii muhiimka ahaa ee dowladda sida idaacadda iyo telefishinka dalkaasi. Waxayna xireen garoomada diyaaradaha taas oo hakad gelisay duullimaadyadii caalamiga iyo kuwii gudaha. Madaxa Golaha Sare ee Sudan, Cabdel Fatax Al-Burhan, oo afgembiga hoggaaminaya ayaa khudbad ka jeediyay telefishinka, ka dib markii ciidanka ay xireen tiro saraakiil rayid ahaa. Al-Burhaan wuxuu ku dhawaaqay in la kala diray Dowladdii iyo golaha wasiirada ee dalkaasi xukumayay, waxaa uu sidoo kale shaaciyay in xaaladda degdeg ah oo dalkaas lagu soo rogay iyo joojinta qodobbada ku jiray dukumintiga dastuurka. In kastoo uu ku adkeystay in dowlad Dimuquraadi ah ay ku wareejin doonaan xukunka.

 

Ma ahaa wax la filayay in uu afgembi ka dhaco Sudan?

Dalka Sudan waxaa muddooyiinkii u dambeeyay ka taagnaa xiisado siyaasadeed. In militariga ay awood dalka kula waregaan awood, waxay ahayd wax dad badan oo reer Sudan ah ay ka baqdin qabeen.

 

Waxaa jiray tilmaamo muujinayay in mar kasta ay ciidamada la wareegi karaan awoodda dalkaas. Dibadbaxayaashii taageesanaa militariga ee mudaharaadka ka dhigay afaafka hore ee madaxtooyada, ayaa loo arkayay in ay ahayd mid loogu gogol-xaarayay afgambi.

 

U jeeda dibadbaxayaashaas ma ahayn mid qarsoon waxayna ciidamada ka dalbanayeen in ay meesha ka saaraan hoggaamiyeyaasha rayidka ee “fashilmay”. Dalabkaas dibadbaxayaasha wuxuu ahaa isku day laga soo shaqeeyay oo lagu sharciyeynayey qabsashada militariga – iyadoo la adeegsanayo astaanta mudaaharaadayaasha. Qiyaastii toddobaad ka dib, ayaa la abaabulay mudaharaadyadii lagu taageerayay dowlad rayid ah.

 

Muxuu yari ra’iisul wasaaraha xabsi guriga la geliyay?

Barta uu Facebook ku leeyahay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Suudaan, Cabdallah Hamduuk, waxa lagu daabacay qoraal u dhignaa: “Hamduuk iyo xaaskiisa waa la afduubtay, waxa ka socda waddankana waxay ka dhigan yihiin carqaladaynta dastuurka”. Qoraalka ayaa intaa ku daray in Hamduuk iyo xaaskiisa ay militariga “geeyeen meel aan la garaneyn”. Waxa ka socda Sudan ayuu xafiiska ra’iisul wasaaraha ku tilmaamay “ku tumashada dastuurka dalka”.

Dhanka kale waxaa waddooyiinka caasimadda Sudan ee Khartuum isugu soo baxay dad dhigayay dibadbax ay kaga soo horjeedaan xarigga sarakiisha rayidka iyo afgembiga.

Sida ay dalalka caalamka uga falceliyeen afgembiga

Safaaradda Mareykanka ee Khartoum ayaa barteeda Twitter -ka ku daabacday qoraal ay ku muujineyso walaaca qotada dheer ee ay ka qabto afgembiga Sudan. Safaaradda waxay ugu baaqday “dhammaan dhinacyada ka shaqeynaya in ay wiiqaan geeddi-socodka kala-guurka siyaasadeed ee Sudan” in ay u oggolaadaan dowladda rayidka ah inay sii waddo howlaheeda si looga mira-dhaliyo himilooyinkii kacaanka. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa cambaareeyay afgambiga Suudaan wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo siyaasiyiinta rayidka ah ee la xiray. Qaramada Midoobey ayaa dhankeeda sheegtay in aan la aqbali karin xariga hoggaamiyaasha rayidka ee Sudan.

Xigasho: BBC

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here