MAANSO SIILAANYO TIRIYAY IYO JAWAABTII MUUSE BIIXI

0
133

Maansadan yare e kooban oo ah mid maad iyo murtiba xambaarsan waxaan ku kala cabiraynaa dreenka ama aragtiyaha ay kala aamin san yihiin madaxweyne axmed siilaanyo iyo mujaahid muuse biixi waxaana tiriyay : Abwaan Cabdi Kariim Muxumed Cadde(QAAMUUS)

muuse vs silanyo

Waxayna labada masuul is dhaafsadeen labadan maanso:

Maansada Siilaanyo:

Ninkuu shacabku doortee

Shaalka saaray baan ahay

Sheekhii kulmiyaan ahay

Shan kastoo timaadana

Waxaa sharaxan kaligay

Midhna aan ka shaafiyo

Shacabkiyo dadkaygee

Isagaa is shawakhshoo

Isla shaamareeree

Muusena shuruud iyo

Shay anuu lamaan galin

Waligaa i shiid shiid

Ama shaani tuur tuur

Hadaad calan-cas shirisana

Shiishtaydii baa iman

Bal waxaydun sheegtaan

Maansada Muuse Biixi Ku Jawaabay:

Kulmiyeynu share iyo

Ku ahayn shuraakee

Maxaa sheeko suuqdiyo

Keenay shuruud lamaan galin

Hankaygii i shidi jirey

Markuu galay shinkiisii

Hadaan sheegtay oon idhi

Haatan waa shantaydii

Sharaca lee ma kiis baa?

Sharcigay ku taalaa

Waligayba sheekhow

Inaan kuu shaqeeyoon

Shaadhka adiga kuu tolo

Ana sheed ka daawado

Kursigaa shidada badan

Ma anigaa nin shaani ah

Waa maxay shirqoolkiyo

Shaabadani raqiiskii?

Shan horood la waydiyo

Shantan aad dul saarnayd

Ayaan sheekh ku soo sidoo

Shan kale ma karayee

Shoogaygii weeyee

Naso sheekh ha daaline!!

La Soco Qayabaha Dambe Maansada Way Sii Socotaa,,, Kuna soo darso akhriste waxii fikir ah

 

Email: qaamuuskaqarniga01@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here