Madaxtooyada: Kulan Lagaga Wada Hadlay Sidii Loogu Gudbi Lahaa Wejiga Labaad Ee Dhismaha Ballaadhinta Dekeda Berbera

0
1

Madaxweyne Muuse ayaa shalay Qaabiley Gudoomiyaha Shirkadda DP World Ahna Maareeyaha Guud

Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey gudoomiyaha shirkada DP World ahna maareeyaha guud ee Shirkadaas, Sultan Ahmed Bin Suleyman. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada oo nuqul ka mid ahi Hubaal soo gaadhay,  Kulankaas oo salka ku hayey dardar-gelinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkada DP World, looguna gogol xaadhayo furitaanka wejiga koowaad ee dhismaha dekeda Berbera oo dhammaaday dhawaana la furidoono, iyadoo lagaga wada hadlay sidii loogu gudbi lahaa wejiga labaad ee dhismaha ballaadhinta Dekeda Berbera.

Waxaana kulankaa si gaara loogu lafo-guray imkaaniyaadka ganacsi ee ku gadaaman isticmaalka dekeda Berbera, sida marin ganacsiyeedka wadada Berbera Corridor iyo balaadhinteeda, madaama oo ay mari doonaan shixnado aad u tiro badan oo u socda dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya iyo dalalka bariga iyo badhtamaha Afrika.

Sidoo kale waxa laga wada hadlay casriyeynta iyo hawl-fudaydinta kastamada Berbera iyo Tog-wajaale, allaabooyinka isaga gooshaya dekeda Berbera iyo dalalka geeska Afrika, si xawliga ay ku baxayaan u noqdo mid dhakhso badan, suura-galna ka dhigi kara horumarka la doonayo in looga faa’iido bulshada ku dhaqan qaarada Afrika.

Kulankaas oo ku soo dhammaaday is fahan iyo is-afgarad waxa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirada wasaaradaha Horumarinta Maaliyada, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, maareeyaha dekedaha Somaliland, safiirka Somaliland u qaabilsan Imaaraadka Carabta iyo xubno ka mida boodhka dekeda Berbera.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

SHARE
Article horeSomaliland: Madaxweynaha Oo Qaabiley Wefti Ballaadhan Oo Ka Socday Dalka Qadar
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here